Home Wararka Maanta Baarlamaanka Soomaaliya oo Mooshin Hadal Hayn Badan Dhaliyay Durbaba Diyaariyay

Baarlamaanka Soomaaliya oo Mooshin Hadal Hayn Badan Dhaliyay Durbaba Diyaariyay

0

In ka badan 60 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa saxiixay mooshin lagu kordhinayo in waajibaadka Baarlamaanka Federaalka laga dhigo muddo shan sano ah, taasoo qeyb ka ah qorshaha muddo kororsiga sanadka ee ay horay u sameysteen Dowlad Goboleedyada.

Inkastoo muddo xileedka Baarlamaanka labada Gole iyo Madaxweynaha aanu muddo sanad ah gaarin, haddana waxaa muuqata in loo sii diyaar garoobayo muddo kororsi hor leh.

Muddo kororsigan halka sano ee la diyaarinayo iyo muddo kororsigii labada sano ee horay loo diiday ayaa ku kala duwan waqtiga lagu soo aadiyay, waxaana la sugayaa sida ay noqoto falcelinta lagala hortago muddo kororsigan aan waqtigiisa la gaarin.

Ad
Previous articleCiidamada Galmudug oo Gacanta Ku Dhigay Sarkaal Sare oo Ka Tirsan Alshabaab
Next articleNin hubeysan oo dad Shacab ah ku laayey Jaamacad ku taalla Dalka Mareykanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here