Home Wararka Maanta Baarlamaanka Soomaaliya oo Durbaba Soo Faragaliyay Weerarkii lagu Qaaday Hotel Villa...

Baarlamaanka Soomaaliya oo Durbaba Soo Faragaliyay Weerarkii lagu Qaaday Hotel Villa Rose

0

Qaar ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka ayaa maanta ka hadlay weerarkii ay Al-Shabaab ka geysteen hotelka Villa Rays oo ku yaalla gudaha xeen-daabka madaxtooyada Soomaaliya.

Xildhibaan Cabdisamad Macalin Maxamuud iyo xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa sheegay in wixii ka dhacay Hotelkaas aysan ka aamusi doonin ka baarlamaan ahaan.

Xildhibaan Cabdisamad Macalin Maxamuud ayaa hey’adaha amniga ugu goodiyey in sidaan aan looga aamusi doonin wixii dhacay, isla markaana ay imaa doonto in maalmaha soo socda hoggaanka hey’adaha amniga looga yeero kulamada baarlamaanka.

“Waan ku dhaliileynaa hey’adaha amniga wixii dhacay maalin dhoweed, waana imaaneysaa in kulanka baarlamaanka looga yeero hey’adaha amiga, si wax looga weydiiyo sababta ay waxaasi u dhaceen, tan baarlamaanku kama aamusnaa doono insha allah,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdisamad Macalin.

Sidoo kale Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa sheegay in wixii ka dhacay banaanka madaxtooyada aysan ahayn wax loo dul-qaada karo, wuxuu dalbaday in sharciga la hor geeyo dadkii masuulka ka ahaa amniga aaggaas.

Xildhibaan Jeesow wuxuu intaas ku sii daray in guddiga amniga ee baarlamaanka uu kulan deg deg ah ka yeelanayo arrintaas, si loola xisaabtamo hey’adaha ammaanka.

“Anigoo ku hadlaya afka guddiga amniga ee baarlamaanka suurtagal maaha in la galo meel intaas madaxtooyada u jirta, waa wax laga xumaado, hey’adaha amniga waxaan ka rabnaa in arrintaan aysan ka soo qaadin wax dhici jiray ee sharciga la hor geeyo raggii masuulka ka ahaan amniga goobtaas,” ayuu yiri Xildhibaan Jeesow.

Xog ay Mudug24 ka heshay dabagalka qaraxii iyo weerarkii Hotel Villa Rays waxay sheegeysaa in madaxweyne Xasan Sheekh uu isugu yeeray hoggaanka hey’adaha ammaanka, isla markaana uu ka dalbaday warbixin dhameystiran iyo tallaabooyin deg deg ah oo looga jawaabayo wixii dhacay, sida xil ka qaadis, sidoo kale waxaa cabsiga la dhigay askar iyo saraakiil ku qornaa baraha control ee loo maleynayo inay ka soo gudbeen ragii weerarka fuliyey.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleIGAD oo Shaacisay Mowqifkeeda ku aadan in Soomaaliya laga Qaado Cunuqabataynta Hubka
Next articleCiidamo Kasoo Goostay Alshabaab oo iskusoo Dhiibay Ciidamada Galmudug(Sawiro)