Home Wararka Maanta Baarlamaanka Soomaaliya oo Digniin loo Diray Kadib Baaqashadii Kulanki Shalay

Baarlamaanka Soomaaliya oo Digniin loo Diray Kadib Baaqashadii Kulanki Shalay

0

Waxaa shalay baaqday kulan ay magaalada Muqdisho ku yeelan lahaayeen xildhibaannada Golaha Shacabka, kaasi oo ajendihiisu ahaa aqrinta xeer hoosaadka ay isku maamulayaan mudanayaasha.

Kulanka ayaa wuxuu u baaqday kooram la’aan, maadama aysan xarunta Golaha aysan soo xaadirin inta badan Xildhibaanada, taasi oo keentay in xarunta ay iskaga kala dareeran Mudaneyaashii tirada yara ee soo xaadiray fadhiga.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Sheekh Aadan Madoobe oo arrintaas aad uga xumaaday ayaa u digay Xildhibaanada fasax la’aan kaga maqan kulamada iyo shaqooyinka culus ee horyaalla Baarlamaanka.

“Xildhibaanada maqan waxaa ugu baaqeyna inay soo xaadiran jaanis yar ayaa siineyna. Xildhibaan kasta oo waa in uu maqnaan kulanka dambe haddii aysan jirin duruuf gaar ah oo loo garaabayo,” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay Guddoomiyaha in kulanka dambe laga dhigay 12-ka bishaan, isaga oo faray Xildhibaanada dowlad goboleedyada iyo dalka dibediisa ku maqan inay sida ugu dhaqsaha badan u soo gaaran magaalada Muqdisho.

Sida qorshuhu ahaa kulankani ayaa waxaa looga hadli lahaa “akhrinta xeer hoosaadka Golaha Shacabka Baarlamaanka” sida uu sheegay guddoomiyaha Golaha Shacabka.
Ajendaha kulanka shalay ayaa waxa kale oo qayb ka ahaa dhaarinta laba ka mid ah Xildhibaannada cusub, sida lagu shaaciyey fariin wargelin ah oo loo diray xildhibaanada.
Ad
Previous articleQabiil Weeraray saldhig Al-Shabaab si uu ugu aargudo nabaddoon laga dilay
Next articleCiidamada dowlada oo Gacanta Kusoo Dhigay Rag Shalay Dilay Sarkaal ka Tirsana Ciidan Xoogga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here