Waxaa shalay baaqday kulan ay magaalada Muqdisho ku yeelan lahaayeen xildhibaannada Golaha Shacabka, kaasi oo ajendihiisu ahaa aqrinta xeer hoosaadka ay isku maamulayaan mudanayaasha.
Kulanka ayaa wuxuu u baaqday kooram la’aan, maadama aysan xarunta Golaha aysan soo xaadirin inta badan Xildhibaanada, taasi oo keentay in xarunta ay iskaga kala dareeran Mudaneyaashii tirada yara ee soo xaadiray fadhiga.
Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Sheekh Aadan Madoobe oo arrintaas aad uga xumaaday ayaa u digay Xildhibaanada fasax la’aan kaga maqan kulamada iyo shaqooyinka culus ee horyaalla Baarlamaanka.
“Xildhibaanada maqan waxaa ugu baaqeyna inay soo xaadiran jaanis yar ayaa siineyna. Xildhibaan kasta oo waa in uu maqnaan kulanka dambe haddii aysan jirin duruuf gaar ah oo loo garaabayo,” ayuu yiri.
Waxa uu sheegay Guddoomiyaha in kulanka dambe laga dhigay 12-ka bishaan, isaga oo faray Xildhibaanada dowlad goboleedyada iyo dalka dibediisa ku maqan inay sida ugu dhaqsaha badan u soo gaaran magaalada Muqdisho.