Home Wararka Maanta Baarlamaanka Soomaaliya oo Deg Deg ugu Yeeray Wasiir Fiqi iyo isla xisaabtan...

Baarlamaanka Soomaaliya oo Deg Deg ugu Yeeray Wasiir Fiqi iyo isla xisaabtan Bilowday

0

Kalfadhiga 4-aad kulankiisa labaad ee Golaha Shacabka oo maanta uu shir-guddoomiyay Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa waxaa looga dooday xaaladda ka taagan dalka, ayada oo lagu go’aamiyay in loo yeero wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya iyo guddoomiyaha hay’adda SODMA.

Kulanka oo uu goobjoog ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Cabdullahi Abshirow ayaa waxaa uu ajendihiisu ahaa dhameystirka doodii socotay ee la xiriirtay xaaladda fatahaadaha ka jira dalka iyo khasaarihii ka dhashay.

Sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa ajendaha kulanka maanta qeybtinta warbixinta xisaab xirka sanad maaliyadeedka ku dhamaaday 31-ka Decembar 2022-ka iyo qeybinta qoondaha Miisaaniyadda 2024.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa si isku mid ah ugu dooday ugana qiirooday qoysaska Soomaaliyeed ee wax yeeladu ka so gaartay fatahaada iyo daadadka ka dhashay roobabkii ka da’ay gobolada dalka.

Waxay xildhibaannadu soo jeediyeen in loo yeero hay’adaha dowladda u xil-saaratay arrimaha samafalka iyo mas’uuliyiinta wasaaradda arrimaha gudaha xukuumaddda federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo gunnaanaday kulanka maanta ayaa waxaa uu ku soo gaba-gabeeyay in loo yeero wasiirka arrimaha gudaha federaalka iyo dib-u-heshiisiinta iyo guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka qaranka ee SODMA.

Masuuliyiintan ayaa wax laga weydiin doona marka ay Golaha hortagaan xaaladda fataahaadaha ka jira dalka iyo halka ay wax marayaan, maadaama Xildhibaannada soo jeediyeen.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleWar Deg Deg ah: Qarax ka dhacay Magaalaga Garowe
Next articleKenya Airways oo qiimo lala yaabay ku billaabeysa duulimaadka Muqdisho-Nairobi