Home Wararka Maanta Baarlamaanka Soomaaliya O Si adag Uga Horyimid Heshiiskii Mudo Kordhinta ee Maantay...

Baarlamaanka Soomaaliya O Si adag Uga Horyimid Heshiiskii Mudo Kordhinta ee Maantay lagu Wareejiyay

0

Guddiga Joogtada Golaha Shacabka si adag uga horyimid hannaanka Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka u soo maray ee uu Guddiga dib u eegista Dastuurka ku wareejiyay heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaran.

Guddiga Joogtada ayaa isla gartay in Guddoomiyaha Guddiga dib u eegista Dastuurka inuu dib ugu celiyo nuqulada uu la wareegay isla markaana la soo marsiiyo habraaca gudbinta heshiisyada iyo Hindise sharciyeedyada waafaqsan Dastuurka KMG.

War Uqornaa Sidaan ayaaLagu Shaaciyay Boga Golaha Shacabka:

“Dhanka kale guddiga ayaa si adag uga horyimid hanaanka uu soo maray Wasiirka Cadaalada iyo Dastuurka, kaas oo Guddiga Kor-joogteynta iyo La-socodka Dib u eegista Dastuurka labada aqal ee Baarlamaanka JFS ku wareejiyay heshiiskii Madasha Wadatashiga Qaran ee Golaha Wasiiradda ay meelmariyeen. Guddiga ayaa isla gartay in Guddoomiyaha guddiga uu dib ugu celiyo nuqulada warbixinta uu maanta la wareegay islamarkaana la soo marsiiyo habraaca gudbinta heshiisyada iyo hindise sharciyeedyada si waafaqsan Dastuurka KMG ah ee JFS.”

DHAMMAAD

Ad
Previous articleWAR DEG DEG AH: Gudoomiyihii Baarlamaanka Soomaaliland oo iscasilay
Next articleXarunta Afaraad ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed oo lagu Furay Galmudug Si casri ahna Loo Dhisay(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here