Home Wararka Caalamka Baarlamaanka Jarmalka oo ansixiyey in hub culus la siiyo Ukraine

Baarlamaanka Jarmalka oo ansixiyey in hub culus la siiyo Ukraine

0

Baarlamaanka dalka Jarmalka ayaa si aqlabiyad leh u ansixiyay mooshin lagu taageerayo in hub culus la siiyo dalka Ukraine.

Tallaabadan ayaana imaanaysa laba maalmood uun ka dib markii ay dawladda dalkaasi ay xaqiijisay in Ukraine ay gayso taangiyada lidka diyaaradaha, taas oo muujinaysa isbeddel weyn oo ku yimi mawqifkeeda.

Mooshinka baarlamaanka — oo ay taageerayaan isbaheysiga talada haya iyo xisbiga ugu weyn mucaaradka – ayaa lagu wadaa in uu fududeeyo heshiisyada hubka ee mustaqbalka. Dadka dhaleeceeya ayaa ka cabsi qaba in tallaabadani ay horseedi karto in dagaalka uu sii xoogaysto.

Hoggaamiyaha Jarmalka, Olaf Scholz, ayaa sheegay in uu ka mahadcelinayo taageerada cad ee baarlamaanka Jarmalka. wuxuuna sheegay in Berlin ay bixin doonto tababar iyo wax xoogaa hub ah.

Ad
Previous articleDeg Deg : Doorashada Gudoomiye Ku Xigeenkii Kowaad oo lagu kala Baxay
Next articleTalefashinka Denmark oo sheegay in Muwaadin Danish ah lagu dilay Ukraine

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here