Baarlamaanka Carabta oo ka hadlay weerarkii ay maalmo kahor Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Daaru-Nimca ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa cambaareeyay falkii ay kooxda ku gubtay masaajiidkii deegaankaasi.
Qoraal kasoo baxay Baarlamaanka ayaa waxaa lagu sheegay in falkaasi uu yahay dambi fool xun, isla-markaana kasoo horjeedo shareecada Islaamka iyo qawaaniinta caalamka ah.
Baarlamaanka Carabta ayaa sidoo kale xusay in falkan uu caddeynayo in argagixisadu aysan diin laheyn, sidoo kalena ay dhibaato ku tahay dadka iyo dalka.
Warkan ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay lagama maarmaan tahay in la mideeyo dedaallada ay dunida Carabta kula dagaallamayso khawaarijta heer gobol iyo mid caalami
Waxaa sidoo kale Baarlamaanka Carabta uu mar kale ku celiyay in si buuxdo ay u garab siinayaan dagaalka dowladda ugu jirto ciribtirka kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya.
Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib
Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin
Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o
Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar
Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish
Ciidamada Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo
Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish
Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,
Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag
Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad