Home Wararka Somaliya Puntland Baarlamaanka Amaamulka Puntland oo Diiday Xubno oo Dhawaan Deni Magacaabay iyo Deni...

Baarlamaanka Amaamulka Puntland oo Diiday Xubno oo Dhawaan Deni Magacaabay iyo Deni oo jawaab Culus ka bixiyey

0

Xildhibaanada golaha wakiilada Puntland oo maanta kulan ka yeeshay Garoowe ayaa diiday inay ansixiyaan dhamaan xubnaha garsoorayaasha ee uu dhawaan madaxweyne Saciid Deni u magacaabay maxkamadda sare maamulkaasi.

Ugu horeyn kulanka golaha ayaa waxaa laga akhriyay codsi ka yimid madaxweyne, Siciid Deni oo ku aadan ansixinta hoggaanka maxkamadda.

Sida uu shaaciyey guddoonka baarlamaanka waxaa codeysay 43 xildhibaan, waxaana  ka hor yimid 11 Mudane, halka ay ka aamuseen 9 xildhibaan, sidaas daraadeed xubnaha lasoo magacaabay ee Maxkamadda Sare Puntlabnd ayaa kalsoonida ku heli lahaa 34 mudane.

Dhinaca kale madaxweynaha Puntland ayaa isla markii jawaab ka bixiyey go’aanka baarlamaanka, wuxuuna markale dib u magacaabay xubnaha la diiday ee maxkamadda sare.

Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha oo maanta soo baxday ayaa waxaa lagu magacaabay isla xubnihii la diiday, waxaana  guddoomiye u ah Axmed Maxamed Taaran.

Tallaabada uu qaaday Deni ee ah inuu markale soo celiyo xubnaha la diiday ee maxkamadda sare ayaa waxaa u ogolaanaya dastuurka u yaalla maamulkaasi.

Halkan hoose ka aqriso:-

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 28 ee 4-ta July 2022 kuna saabsan dib u magacaabida Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay:  Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 90aad

Marku arkay:  Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda    shaqo.

Markuu tixgeliyey:  Baahida loo qabo in la dhiso Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland.

Wuxuu Xeeriyey:

Magacaabid

Waxaa Axmed Maxamed Yuusuf (Taaran) loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Dowladda PuntlandWaxaa Nuur Ciiise Maxamed loo magacaabay Guddoomiye Kuxigeenka Maxkamadda Sare Dowladda PuntlandWaxaa Axmed-haadi Aadan Yuusf loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Sare Dowladda PuntlandWaxaa Cabdiqani Diiriye Cawl loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Sare Dowladda PuntlandWaxaa Cabdinaasir Cabdullaahi Cali loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Sare Dowladda Puntland.

Waxaa kale oo la magacaabay

  1. Keydka
  2. Maxamuud Aadan Cabdulle Xubin
  3. Cabdishaafi Axmed Cali Xubin
  4. Xubno Guddi
  5. Daahir Maxamed Nuur
  6. Xasan Cabdi Cilmi

Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

DHAMMAAD

Ad
Previous articleWafdi ka kooban Saraakiil iyo Xildhibaano oo ku wajahan dhibaata ka Taagan Sh/dhaxe
Next articleBooliska Denmark oo war kasoo saaray ninkii weerarka ka geystay Copenhagen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here