Home Wararka Maanta Baadi goob Dheer ka Dib ninkii Dilay Ismaaciil Yuusuf Axmed oo...

Baadi goob Dheer ka Dib ninkii Dilay Ismaaciil Yuusuf Axmed oo Gacanta Lagu soo Dhigay

0

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa shaaciyay in gacanta lagu soo dhigay nin loo haysto kiis dil ah oo baxsad ka ahaa cadaaladda.

Ninkan ayaa waxaa loo haysta dilka Ismaaciil Yuusuf Axmed oo 40 jir ah. Marxuumka ayaa u geeriyooday dhaawac culus oo ninkan u geystay, sida uu shaaciyay Booliska Muqdisho.

“Howl-gal ay sameeyeen ciidanka Booliska Soomaaliyeed gaar ahaan ciidanka saldhigga degmada Dharkenlay ayaa waxaa gacanta lagu soo dhigey gacan ku dhiigle ladaba joogay,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Booliska.

Waxa kale oo lagu yiri “Taariikhda markay aheyd 09-05-2024 ayuu dhaawac u geystay muwaadin Soomeeliyeed oo lagu magacaabo Marxuum Ismaaciil Yuusuf Axmed Ina Muumino Maxamed Cumar oo 40 jir ah, kaas oo u geeriyooday dhaawicii soo gaaray.”

Booliska ayaa horey sidan oo kale ugu guuleystay inuu soo qabto saddex nin oo muddo baxsad ka ahaa cadaaladda, oo lagu raad-joogay.

Saddexdan nin oo mid kamid ah uu ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka ayaa waxaa iyagna loo haystay dilka wiil yar oo Ardey ah oo 18 Jir ah, kaasi oo lagu magacaabo Cabdullaahi Cabdi Isaaq.

“Ciidanka Booliiska gobolka Banaadir oo hawl-gallo kala duwan sameeyey ayaa ugu dambeyn waxaa u suurto-gashay inay gacanta ku soo dhigaan eedeysanayaashii falkaas ku eedeysnaa,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska qeybta guud ee Booliska gobolka Banaadir.

Eedeysanayaasha ayaa waxaa sida ugu dhaqsaha badan loo horgeyn doona maxkamada, si loo marsiiyo cadaaladda, sida lagu shaaciyay qoraalka taliska booliska.

Ad
Previous articleWar Deg Deg ah: Qaramada Midoobay oo Ka Jawaabtay Dalabkii Dowlada Soomaaliya ee UNSOM Soomaaliya looga Saaraayay
Next articleSafarkii Spain ee Liibiya isku baddelay: Sida gabadhan Soomaaliyeed uu u khiyaanay magafihii u ballan qaaday inuu Spain geynayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here