Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo warbaahinta kula hadlay Kismaayo ayaa eedeymo culus u jeediyay mucaaradkiisa, isaga oo sheegay inay kasoo horjeedaan horumarka guud ee Jubbaland.
Axmed Madoobe ayaa shaaca ka qaaday in xubnaha mucaaradka ay ka shaqeynayaan dib u dhaca iyo burburka Jubbaland, sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale waxa uu tilmaamay in aragtidaas ay tahay mid khaldan, isla-markaana ay Jubbaland hadda u baahan tahay midnimo iyo dad u diir-naxa mustaqbalkeeda.
Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray inuu oggol yahay dhaliisha maamulkiisa, uuna qaadanayo wixii talooyin ah ee uga imaanaya dadka kasoo horjeedo.
Dhank kale, Axmed Madoobe ayaa ugu baaqay xubnaha mucaaradka ku ah ee ku sugan Nairobi inay yimaadaan Kismaayo, kuna soo bandhigaan fikradahooda iyo waxqabadkooda.
Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in xalka uu ku jiro midnimo iyo in laga wada-tashado aayaha dambe ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan xiisad siyaasadeed ay ka taagan tahay Jubbaland, waxaana usii dheer dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee Jubbooyinka.
Maamulka Axmed Madoobe oo magaallo xeebeedka Kismaayo fadhiyo muddo 13 sanno ah ayaa inta badan la kulma mucaarad xoogan, ayada oo maamulkiisa lagu dhaliilo dib u dhaca dhanka doorashooyinka marka loo eego dowlad goboleedyada kale ee ka jira dalka.
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay
Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub
Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka