Home Wararka Maanta Axmed Madoobe oo Magacaabay wasiiro cusub iyo masuuliyiin kale(Akhriso)

Axmed Madoobe oo Magacaabay wasiiro cusub iyo masuuliyiin kale(Akhriso)

0

Madaxweynaha Jubbaland Ahmed Mohamed Islaam ayaa u Magacaabay Maxamed Ibrahim Ogle Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaaleynta & Dib u heshiisiinta.

Sidoo kale waxaa Madaxweynahu uu Maxamed Axmed Cusmaan u Magacaabay Wasiir Dowlaha Madaxtooyada Dowlada Jubaland.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa agaasime cusub u magacaabay madaxtooyada Jubbaland sida ku xusan wareegtada hoos ku qoran:-

Xeer Madaxweyne Lr: XM/DGJS/020/2023 kuna saabsan magacaabid Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Dowlada Jubaland.

Madaxweynaha Dowladda Jubaland

Markuu arkay: Dastuurka Dowlada Jubaland, Cutubkiisa 4aad,Qodobka 72aad, Farqada(3aad) ee ku aadan awooda madaxweynaha, ee magacaabida xubnaha Golaha Fulinta Jubaland.

Markuu Latashaday: Madaxweyne ku-xigeenada Dowlada Jubaland.

Wuxuu Madaxweynaha Dowalada Jubaland u magacaabay Khaliif Yusuf Maxamed Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowlad Jubaland.

Magacaabistani waxay dhaqan galaysaa marka uu Madaxweynuhu sixiixo wuuna sixiixay.

Ad