Home Wararka Maanta Axmed Madoobe oo Lacag Gudoonsiiyay Koox ay Hoogaaminaysay Deeqo Maxamed Cabdullaahi(Sawiro)

Axmed Madoobe oo Lacag Gudoonsiiyay Koox ay Hoogaaminaysay Deeqo Maxamed Cabdullaahi(Sawiro)

0

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa abaal-marino lacageed guddoonsiiyay ardayda kaalmaha hore ka galay Imtixaanka Dusgiyada Sare iyo dhexe oo kala ah.

Ardaydan uu madaxweynaha Jubbaland abaal-marinada siiyay ayaa kaalmaha sare ka galay imtixaanka shahaadiga ee dugsiga sare ee dalka oo dhan iyo sidoo kale imtixaanka dugsiga dhaxe ee deegaannada Jubbaland .

Ardayda abaal-marinada la siiyay ayaa kala ah

Deeqa Maxamed Cabdullahi oo kaalinta koobaad ka gashay Imtixaanka Dugsigada Sare ee dalka.

Muuse Maxamed Xasan oo kaalinta Sadexaad ka galay Imtixaanka Dugsiyada Sare ee dalka.

Shamso Xuseen Siraat oo kaalinta Afraad ka gashay Imtixaanka Dugsiyada Sare ee Dalka.

Iqra Haashim Nuur oo kaalinta koobaad ka gashay Imtixaanka Dugsiyada dhexe ee Jubaland.

Khadar Cabdinuur Cabdirashiid oo kaalinta labaad ka galay Imtixaanka Dugsiyada dhexe ee Jubaland.

Shukri Cabdi Bulaale oo kaalinta sadexaad ka gashay Imtixaanka Dusgiyada dhexe ee Jubaland.

Kulankan Madaxweynaha uu abaal marinada ku gudoonsiinayay Ardayda ayuu Madaxweynahu ka balan qaaday in uu bixinayo deeq Waxbarasho oo ay helayaan dhammaan Ardaydan isagoo sheegay in Dowladu ay ku bogaadinayso guusha ay gaareen.

Madaxweynaha ayaa u mahad celiyay Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare iyo dhammaan howlwadeenada Wasaarada ee juhdiga badan galiyay sidii guushan ay usoo hoyin lahayeen Ardayda iskuulada kala duwan ee Jubaland.

Ad
Previous articleAlshabaab oo Qarax ku dilay Hooyo iyo canug yar oo ay wadatay
Next articleWasaarada Waxbarashada Soomaaliya oo Soo Saartay Go,aan Qaarar oo ku Wajahan Jamacadaha Dalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here