Home Wararka Somaliya Jubbaland Axmed Madoobe iyo Kenya oo Heshiis Hoose ka Gaaray 16ka Kursi ee...

Axmed Madoobe iyo Kenya oo Heshiis Hoose ka Gaaray 16ka Kursi ee Taalay Garbahaareey

0

Maxdaxweyhaha Jubaland oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa halkaasi ka wada shirar uu la leeyahay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya iyo beesha caalamka.

Xog ay heshay Mudug24 ayaa sheegaysa in Axmed Madoobe iyo saraakiil ka tirsan dowladda Kenya ay ka wada hadleen sidii ciidamada Kenya ee ku sugan gobollada Jubooyinka ugu qeyb qaadan lahaayeen sugida amniga halka ay ka dhacayso doorashada 16-ka kursi ee taal Garbahaareey.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Dowladda Kenya iyo Axmed Madoobe heshiis ku yihiin in doorashada kuraasta 16-ka ah lagu qabto magaalada Ceelwaaq ee xuduuda labada dal, halkaasi oo ciidamada Kenya ay ku sugan yihiin.

Haddii uu hirgalo qorshaha Axmed Madoobe iyo Kenya ma jirto cid ka hor istaagi karto in amniga doorashada ay sugaan maadaama ciidamada Kenya ay qeyb ka yihiin howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Dhinacyo kala duwan oo Kenya ay hormuud u tahay, beesha caalamka iyo Axmed Madoobe ayaa doonaya in doorashada lagu qabto Ceelwaaq, kadib markii ay cadaatay inaan la tegi karin Garbahaarey.

Dhinaca kale, haddii doorashadaasi lagu qabto Ceelwaaq waxaa fursad weyn doona murashaxiinta ay wataan Villa Somalia, waxaana cad in murashaxiinta kasoo jeeda beesha Mareexaan ee mucaaradsan Villa Somalia ay kusoo bixi doonaan

Doorashada 16-ka kursi ee yaalla Gedo ayaa caqabad ku ah soo gaba-gabeynta doorashooyinka xildhibaanada baarlamaanka iyadoo xiligaan tirada harsan ay gaarayaan 29 xubnood.

Ad
Previous articleVolodymyr Zelenskyj oo diiday Dalabka Ruushka ” Sharuudaha ma buuxin karno ee Na Baabi’iya ”
Next articleCiidmada Ruushka oo Dilay nin ka Badbaaday Xasuuqii Yahuuda loo Gaystay