Home Wararka Somaliya Axmed Macalim Fiqi oo Shacabka Galmudug u jeediyay Codsi ku aadan Dagaalka...

Axmed Macalim Fiqi oo Shacabka Galmudug u jeediyay Codsi ku aadan Dagaalka Shabaab

0

Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Macalim Fiqi ayaa sheegay in howlgallada Al-Shabaab  looga saarayo Gobolka Mudug uu soo bilowday 40 cisho ka hor, isla markaana haatan laga gaaray guulo muhiim ah kadib markii lagala wareegay deegaanno dhowr ah oo ku yaal Gobolka Mudug.

Mudane Axmed Macalin Fiqi oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa tilmaamay in magaalada Camaara laga soo galay dhowr jiho, taasi oo keentay in ay ka baxaan Al-Shabaab magaalada Camaara, haatanna ay sii wadayaan dagaalka lagu jiro ilaa iyo inta laga saarayo degaannada Gobolka Mudug.

“Waxaan rabaa inaan ugu bishaareeyo Hooyooyinkii arigooda ugu tabarucayay, kuwii raashinka Gaalkacyo, Cadaado iyo meelaha kale ka keenayay, Culimadii nala shaqeysay in dadkii shuhadada ee aan dhiigooda meel cidlo ah ku dhamaan in natiijo wax ku ool ah laga gaaray, cadowgiina uu dhabarka jeediyay,, laguna sii socon doono”. Ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Wasiirka Amniga Galmudug ayaa shacabka iyo Madaxda uga mahadceliyay kaalinta ay ku leeyihiin dagaalka lagula jiro A-Shabaab, isagoo ugu baaqay shacabka inay cadowga ka reebtaan waxkasta oo ay sitaan, maadaama ay yihiin dad ku dhuumaaleysanaya meelo yar, ayna ku bixi doonaan gacanta ciidamada qalabka sida.

Ad
Previous articleDowlada Israa’iil oo hanjabaad kulul u jeedisay Iran
Next articleMaamulada Galmudug iyo Puntland oo xal ka gaaray shaqaaqo khasaaro geeysatay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here