Home Wararka Maanta Axmed Karaash oo madaxweyne Deni ku tilmaamay “keligii taliye”

Axmed Karaash oo madaxweyne Deni ku tilmaamay “keligii taliye”

0

Xilli xaalad is mari -waa ah ay ka taagantahay arrimaha doorashada Puntland isla markaana baarlamaanka kulankoodii maanta uu buuq hareeyay ayaa qoraal uu bartiisa Faceboog ku baahiyay dhowr dhaweed madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) waxaa uu ku tilmaamay madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni inuu caadeystay keligi talisnimo iyo awood marooqsi.

Qqoraalka la soo dhigay barta Faceboogga ayaa sidaan u dhignaa:”Madaxweynuhu wuxuu caadeystay keligii talisnimo iyo inuu awooda dowladda isku koobo kana dheeraado talooyinka dadka wax galka ah, taas oo natiijadeedu markasta kusoo dhammaato fashil,”.

Axmed Karaash ayaa intaa ku daray in wixii dhibaato ah oo ka dhasha tillaabooyinka uu qaadayo madaxweynuhu uu dusha u ridan doono mas’iiliyadeeda.

“Hadaba waxaan wax-garadka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada reer Puntland u cadaynayaa in hadii uu qaado talaabo aan heshiis lagu ahayn taas oo taabanaysa Arrimaha Masiiriga ah uu qaadi doono cawaaqib xumada ay dhasho” ayaa lagu yiri qoraalka barta Faceboog lagu baahiyay.

Ad
Previous articleWeerar ka dhacay caasimadda Sudan ee Khartuum oo dad ku dhinteen
Next articleAustralia oo soo saartay war aan ka farxin muhaajiriinta ay Soomaalidu kamid tahay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here