Home Wararka Maanta Atoore caan ah oo nin feer ku dilay oo la xukumay

Atoore caan ah oo nin feer ku dilay oo la xukumay

0

Garsoore ku sugan magaalada Miami ee Mareykanka ayaa Jimcihii ku xukumay 5 sano oo xarig ah jilaaga reer Mexico, Pablo Lyle oo nin dilay xilli uu ku jiray khalkhal dhanka waddooyinka ah.

Bishii Oktoobar ee la soo dhaafay Lyle ayey xeerbeegta Miami ku heshay dambi ah dil aan kas ahayn.

Xeer ilaalinta ayaa codsatay jilaagan in lagu xukumo 15 sano oo xarig ah balse, iyadoo la tixgalinayo qodobada lagu fududeynayo kiiska, garsooraha ayaa ku xukumay 5 sano oo xarig ah, 8 sano oo kor joogteyn ah iyo 100 saacadood oo shaqo bulsho ah.

Xukunka 5-ta sano ah, oo laga jaray bilihii Lyle uu xabsiga ku jiray tan iyo markii lagu helay dambiga, waxaa racfaan laga qaadan karaa 30 maalmood gudahood.

Kiiskan ayaa kasoo bilaabanaya Maarso 2019, kadib markii jilaagu uu feeray 63 jir lagu magacaabo Juan Ricardo Hernández intii lagu jiray qalalaasaha saxmadda gawaarida, kaasoo maalmo ka dib isbitaal ugu dhintay dhaawac madaxa ah.

Intii lagu guda jiray maxkamadeynta oo dhacday 2022, difaaca jilaaga ayaa sheegay in uu u dhaqmay si isdifaac ah, isaga oo u baqay naftiisa iyo tan qoyskiisa.

Raali galinta qoyska

Ka hor inta aan la xukumin jimcihii iyo markii uu ka hadlay garsoorka hortiisa, ayuu atoorahani raali galiyay qoyska Juan Hernández.

Lyle wuxuu u sheegay qoyska dhibbanaha inuu qiyaasi karo xanuunka ay kala kulmeen dhimashada qof ay jeclaayeen .

“Qof ehelkooda ah ayaa naftiisa ku waayey wax aan sameeyay, waa wax igu dhiba markaan seexdo hurdada habeenkii, waxbana aan iska badalin marka aan soo koco,” ayuu yidhi.

Xaaska Lyle, Ana Araujo, ayaa sidoo kale ka hadashay dhageysiga dacwadda si ay u difaacdo in ninkeeda uusan ahayn mid rabshad wade ah iyo in aan lagu qeexin waxa uu ku sameeyay Juan Hernández.

Maxaa dhacay maalintii muranka?

Bishii Maarso 31, 2019, Pablo Lyle wuxuu ku dhammestay fasax 10-maalmood ah magaalada Miami wuxuuna ku sii jeeday garoonka diyaaradaha isaga iyo qoyskiisa oo wata baabuur uu wadey seedigiis, Lucas Delfino.

Waxaa barbar socday, Juan Ricardo Hernández, oo 63 jir ah oo u dhashay Cuba oo gaadhigiisa ku waday isla waddada Waqooyiga Miami, markii Delfino uu u muuqday inuu wadda qaldan qaaday kadibna gaariga ku hor gooyay, isagoo soo galay haadkiisa.

Isagoo ka faa’iideysanaya nalka cas ee waddada, Hernández wuxuu ka soo degay gaarigiisa wuxuuna u baxay inuu canaanto Delfino. Delfino ayaa ka soo degay gaadhiga si uu ula murmo Hernández, balse gaadhigiisii ayaa bilaabay in uu u siibto dhinaca isgoyska wadada, sidaa awgeed waxa uu u orday in uu dib ugu soo laabto si uu u joojiyo. .

Hernández ayaa markaas dib ugu laabtay gaarigiisii, balse Pablo Lyle, oo la socday Delfino, ayaa ka degay gaariga oo u orday halkii uu ninku joogay.

Intuu wajiga ka feeray ayuu ku laabtay gaarigiisii oo ay la socdeen xaaskiisa iyo labo caruur ah oo uu dhalay. Hernández ayaa dhulka ku dhacay, baabuurkii uu watay Delfino ayaa sii socday.

Afar maalmood ka dib dhacdada, Hernandez wuxuu ku dhintay isbitaalka dhaawac ka soo gaaray madaxa awgii.

Ad
Previous articleCiidamo sugaya Amniga Deegaanno laga saarayo Al Shabaab oo la diyaariyay (Sawirro)
Next articleAskari hore oo Mareykan ah: Saskii aan ka qaaday hawlgalkii Soomaaliya wali ma hilmaamin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here