Home Wararka Maanta Atoore 30 lafood ka jabay si uu u badbaadiyo wiil uu adeer...

Atoore 30 lafood ka jabay si uu u badbaadiyo wiil uu adeer yahay

0

Atoore ka tirsan taxanaha “Avengers”, oo la yirahdo Jeremy Renner, ayaa sheegay in shilkii uu galay xilligii barafka ee bishii Jannaayo uu ahaa mid uu isagu khaladka lahaa.

Renner waxa uu ka jabiyay in ka badan 30 lafood markii uu isku dayay in uu joojiyo gaariga si uu uga hortago inuu dul maro wiil uu adeer u yahay. Shilka ayaa dhacay maalintii koobaad ee sannadkan 2023.

Wareysigii ugu horeeyay ee Renner oo buuxa tan iyo shilka ayaa laga sii daayay Khamiistii hore warbaahinta ABC, kaasoo oo uu ku yiri: “Waa inaadan ka bixin gaariga inta uu ordaya, ma ogtahay waxa aan ula jeedo? Waxa uu intaa ku daray, “Wuxuu ahaa shilka khalad dhankayga ka yimid, oo aan hadda mirihiisa guranaya.” .”

Renner, oo 52 jir ah, ayaa laba goor ku guuleystay abaalmarinta Oscar.

Wareysiga, oo ay ka qaadday weriyaha warbaahinta ABC Diane Sawyer ayuu Renner ku sheegay in isaga iyo wiil uu adeer u yahay oo la yirahdo Alex, oo 27 jir ah, ay isku dayayeen in ay gaariga qoyska ka soo saaraan barafka.

Waxa uu intaa ku daray in markii uu Baabuurka Xamuulku bilaabay in uu Barafka ku taraaraxo uu Lugtiisa u saaray Banaanka Baabuurka si uu u hubiyo in Alex uu Waddada taagan yahay iyo in kale,isaga oo aan si toos ah u xakameyn bareega, ka dibna uu ka dhacay gaariga.

Isaga oo ka baqaya in Alex uu maro baabuurka ayuu Renner isku dayay in uu mar kale boodo si uu u joojiyo baabuurka, laakiin nasiib darro isagii ayuu gaariga dul-maray. Waxa uu sheegay in uu qayliyay markii uu gaadhiga hoostiisa galay.

Mar la weydiiyay inuu xanuunka xasuusto, wuxuu ku jawaabay: “Haa! Daqiiqad kasta waan xusuustaa, way adag tahay in la qiyaaso dareenkaas, waxaan dareemay sida iyadoo nafta la iga qaadayo.”

“Waan ka samray oo waxaan ka ku fakaray xitaa haddii aad noolaato ma curyaan baad noqon doontaa?”

Si kastaba ha ahaatee, saddex bilood ka dib daawayn degdega ah oo uu helay, Renner ayaa markii wareysiga ABC laga qaadayay lugihiisa ku socday isagoo isticmaalaya biraha lagu kutubo.

Renner ayaa markii uu arkay inuu markale lugihiisa ku socon karo waxa mahad ballaaran kula dul-dhacay qoyskiisa sida ay u garab istaageen iyo jacaylka ay u muujiyeen isagoo sheegay in taasi ay sii laba jibaartay xiriirka jacayl ee ka dhaxeeya isaga iyo qoykiisa.

Ugu dambeyn waxaa uu yiri: “Marnaba kama qowmameynayo wixii igu dhacay mana doonayo inay uur ku taallo igu noqoto, waxaan doonayaa inaan iska ilaabo oo aan nolosheyda sii wato.”

Ad
Previous articleMaxkamadii Alshabaab ugu Waynayd ee Galmudug oo Ciidanka Xoogu Gudaha Ugaleen(Sawiro)9
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Ciidamada Xooga oo Cagta Mariyay saldhigyo ay lahaayeen Al-Shabaab(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here