Home Wararka Maanta ATMIS Oo Qiratay Dilka C/Raxmaan Faarax Fiidow oo ay shalay Ceelasha Biyaha...

ATMIS Oo Qiratay Dilka C/Raxmaan Faarax Fiidow oo ay shalay Ceelasha Biyaha Ku Dileeen

0

Taliska guud ee ciidamada howlgalka ATMIS ee Midowga Afrika ayaa ka hadlay dhacdo Arbacadii shalay ka dhacday deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka, kadib markii ciidamadeeda ay baabuur jiirsiiyeen wiil dhalinyaro ahaa.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Faarax Fiidow ayaa xalay u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray shilkaasi.

Qoraal kasoo baxay ATMIS ayaa waxa ay ku xaqiijisay jiritaanka dhacdadan waxayna sheegtay in wiilka dhalinyarada ah ee geeriyooday uu dhex maray labo gaari oo nuuca gaashaaman ah kadibna ay jiireen, xilli ay ku socdeen si xowli ah.

ATMIS ayaa intaasi ku dartay in dadka deegaanka ay sameeyeen kacdoon, islamarkaana ay hor istaageen kolonyada, balse ma dambe lagu guuleystay in la qaboojiyo xiisadda, kadib wadahal dhex maray ATMIS iyo maamulka gobolka Shabeelaha Hoose.

“Qofka rayidka ah ee markii hore shilka ku dhaawacmay ayaa loola cararay isbitaalka, waxaana markii uu geeriyoonayay  uu ku jiray daryeel caafimaad oo deg deg ah,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ka soo baxay taliska ATMIS.

Sidoo kale waxa ay ATMIS tacsi u dirtay ehellada marxuumka, iyada oo sheegtay in haatan ay waddo baaritaano dheeraad ah oo ku aadan falkaasi.

Inta badan ciidamada ka socdo Ururka Midowga Afrika ee nabad ilaalinta u jooga gudaha dalka Soomaaliya ayaa dhibaatooyin kala duwan u geysta dadka shacabka ah.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleKhaadkii ka imaan jiray Kenya iyo iToobiya oo maantay ku Xiyaran Gudaha Garoonka Muqdisho
Next articleDowlada Soomaaliya oo Dishay 40 Dagaalyahan oo ka tirsan Alshabaab