Home Wararka Maanta Askari toogasho ku dilay Wasiir uu ilaalo u ahaa iyo Faah faahino...

Askari toogasho ku dilay Wasiir uu ilaalo u ahaa iyo Faah faahino kasoo baxaya

0

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha iyo Xiriirka Warshadaha, Col (rtd) Charles Okello Engola ayaa saakay toogasho lagu dilay xilli uu ku sugnaa gurigiisa, waxaana dilkaasi ka dambeeyay askari katirsanaa ilaaladiisa gaarka ah.

Afhayeenka booliiska, Fred Enanga ayaa xaqiijiyay toogashada lagu dilay wasiir Charles Okello Engola , waxa uuna sheegay in falkaasi dilka ah uu ka dambeeyay askari katirsanaa ciidanka Qaranka Uganda oo ilaalo u ahaa wasiirka.

Waxa uu sheegay afhayeenka in askarigii dilka geestay uu ka baxsaday guriga wasiirka, waxa uuna xusay in markii dambe uu askariga isku toogtay xarun ganacsi aan ka fogeyn guriga uu ku dilay Col (rtd) Charles Okello Engola oo horey ciidamada uga fariistay.

“Wasiirka waxaa lagu toogtay hoyga uu ka degan yahay xaafada Kyanja oo katirsan Kampala, waxaa toogtay mid ka mid ah ilaaladiisa oo la sheegay in uu dhowr xabadood ku dhuftay , goobta ayuuna ka baxsaday ilaa xarunta ganacsiga ee Kyanja, Ring Road halkaas oo uu u galay  sidoo kalena is toogtay askariga”. ayuu yiri  Afhayeenka booliiska, Fred Enanga

Ciidamada ammaanka dalka Uganda oo gaaray guriga wasiirka la dilay ayaa halkaasi ka bilaabay baaritaano ku aadan dilka, walina lama oga waxa sababay in askarigan uu dilo wasiirkii uu ilaalada u ahaa kaddibna isaga is toogto.

Ad
Previous articleRuushka oo khasaare 100,000 oo askari ah kala kulmay dagaalka Ukraine
Next articleSiduu uu u dhacay Howlgalkii lagu laayay xubno badan oo katirsan Al Shabaab oo Ka Dhacay Galmudug iyo Gaadiid laga Qabsaday(Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here