Home Wararka Maanta Askari Soomaaliyees oo Ka Mid ahaa Askar Tabar loo qaaday Oo kaliyaha...

Askari Soomaaliyees oo Ka Mid ahaa Askar Tabar loo qaaday Oo kaliyaha Lagala Baxay iyo Xiisad ka Dhalatay arintaas oo Taagan

0

Max’ed Xasan Maxamed Nuur oo kamid ahaa dhalinyarro Soomaaliyeed oo ay dawladda Imaaraatka Carabta ka qoratay gudaha dalka Soomaaliya, da’ahaana jiray 19 sano, sida ay CID-da Soomaaliya cadeysay, tababarna loogu qaaday dalka Uganda ayaa meydkiisa oo lagala baxay xubnaha Jirkiisa ee Kalyaha iyo Beerka dib loogu soo ceshay magaaalada Muqdisho.

Marxuumkan ayaa kahor inta aan xubnaha jirkiisa lagala bixin loo dhigay Isbitaal, sabab la xariirta qandho soo wajahday, hayeeshee waxaa maalmo ka dib laga war helay dhimashadiisa, iyadoo wakiilka Imaaraatka ee Tababarkan ciidankan u soo tabiyey dawladda Federaalka in dhimasho caadi ah dhacday.

Dawladda Federaalka oo isku dayaysa in ay qariso kiiskan, ayaa ilaa hadda qoyska Marxuumka ayaa diiday in la aaso, iyadoo meydka oo la qashay uu wali yaalo, bilowgii bishana Safaarada Soomaaliya ee Uganda ayaa bixisay warqadda ogolaanshaha qaadida meydka, iyadoo diiday in ay caddeyso in xubnaha qeybo kamid ah maqan yihiin, magaalada Xudur-na maanta waxaa ka dhacay Bannaanbax looga soo horjeedo ficilkan argagaxa badan.

Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo shaacisay in dowladda ay dalka dib ugu soo celinayso toban kun oo askari Dibada lagu soo Tababaray
Next articleHorjoogayaal Al-Shabaab ah oo lagu soo Qabtay Deegaano Ka Tirsan Galmudug oo uu ku jiro Maxamuud Calasoow

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here