Home Wararka Maanta Askari Mareykan ah oo qirtay inuu la shaqeynayey kooxda Daacish (Sawirro)

Askari Mareykan ah oo qirtay inuu la shaqeynayey kooxda Daacish (Sawirro)

0

Askari ka tirsan milateriga Mareykanka ayaa qirtay dambiga ah in uu isku dayay inuu gacan ka siiyo kooxda isku magacaawday dowladda Islaamka ee Daacish weerar iyo dil xubno ka tirsan ciidamada Mareykanka ee ku sugan Bariga Dhexe.

Waaxda cadaaladda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay in uu qirtay dambiga ah in uu isku dayay in uu taageero siiyo urur ajaaniib ah oo loo aqoonsaday argagixiso.

Cole Bridges, oo sidoo kale loo yaqaan Cole Gonzales, ayaa xogta la wadaagay wakiil federaal ah oo qarsoon.

Mr Bridges waxa uu ku biiray Ciidanka Maraykanka Sebtembar 2019 waxana uu fadhigiisu ahaa Fort Stewart, Georgia.

Mr. Bridges waxa uu niyad jab la wadaagay ciidamada Maraykanka waxa uuna daaha ka qaaday in uu diyaar u yahay in uu caawiyo ISIS oo sidoo kale loo yaqaano Daacish.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in uu bilaabay siinta “tababar iyo hagid uu siiyo dagaalyahanada Daacish ee lagu eedeeyay in ay qorsheynayeen weeraro, oo ay ku jiraan talooyin ku saabsan bartilmaameedyada magaalada New York”.

Waxa kale oo la sheegay inuu u diray qaybo ka mid ah buug-gacmeedka tababarka ciidamada Maraykanka iyo buug-gacmeedka xeeladaha dagaalka”.

Bishii Disembar 2020, Mr Bridges wuxuu bilaabay inuu tilmaamo dagaalyahannada IS ka bixiyo sida ay u weeraraan ciidamada Mareykanka ee ku sugan Bariga Dhexe, wuxuuna xitaa la wadaagay naqshadda taatikada gaarka ah ee militariga si ay khasaare ballaaran ugu geystaan ​​ciidamada Mareykanka.

Waxa uu baahiyay muuqaal isaga oo xiran direyska ciidamada Maraykanka oo hor taagan calanka IS, isla markaana taageero u muujinaya kooxda IS.

Waxaa la xukumi doonaa 2-da November, Waxayna u badan tahay inuu xabsiga ku jiri doono ilaa 40 sano sida uu qabo sharciga Mareykanka.

Ad
Previous articleWeerarkii Dhabalka ahaa ee Shalay ka dhacay Galmudug oo la ogaaday in Lagu Dilay Horjooge Cali Qoyane
Next articleKooxda Daacish-ta Soomaaliya oo dardar-gelisay ololaha ay lacagta baada ah uga qaadaneyso ganacsatada maamulka Puntland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here