Home Wararka Somaliya Somaliland Askari Dilay Taliyiisa oo Dil Toogasha Ah lagu Xukumay

Askari Dilay Taliyiisa oo Dil Toogasha Ah lagu Xukumay

0

Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada milatariga Somaliland ayaa maanta qaaday tallaabo la xiriirta dilkii Arbacadii loo gaystay allaha u naxariistii taliye ku-xigeenkii ciidamada badda ee xeebta gobolka Awdal, marxuum Khadar Maxamed Caynaanshe, kaas oo caro xoogan ka dhaliyay deegaanada maamulkaas.

Maxkamadda ayaa waxaa kasoo muuqday Dable Axmed Cabdi Cabdillaahi oo isna ka tirsan ciidamadda Badda ee Somaliland, isla-markaana loo haystay dilka taliyihiisii.

Dhageysiga dheer kadib ayaa waxaa eedeysanaha maanta lagu xukumay dil toogasho oo ah qasaasta marxuumka uu horay u dilay oo ay ka wada tirsanaayeen ciidanka xeebaha.

Dilkaan oo si weyn u qabsaday baraha bulshada ayaa si gaar ah uga dhacay magaalada Lawyocaddo, waxaana xukunka maanta aad usoo dhoweeyay ehellada taliyihii la dilay.

Ad
Previous articleGudoomiye Cali Jayte oo Alshabaab kusoo Rogay Xayiraad Culus Amarana Soo Saaray
Next articleDowlada Soomaaliya oo shaacisay in dowladda ay dalka dib ugu soo celinayso toban kun oo askari Dibada lagu soo Tababaray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here