Militariga Uganda ayaa sheegay in maxkamad militari ay Muqdisho ka billowday maxkamadeynta laba sarkaal oo sare oo lagu eedeyey “fulaynimo” kadib werarkii dhimashada badnaa ee Al-Shabaab ay ku qaaday saldhigga Buulo-Mareer, bishii May.
Waxaa lagu soo oogay laba xisaab dacwadeed oo ah fulaynimo kadib markii weerarkii Al-Shabaab lagu dilay 54 askari oo Ugandan ah, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay taliska militariga Uganda ee Kampala.
Afar saraakiil xigeen oo kale ayaa sidoo kale loo maxkamadeynayaa inay ku guuldarreysteen inay ilaaliyaan agabka dagaalka, taasi oo ka soo horjeedda sharciga ciidamada Uganda (UPDF), ayaa lagu yiri bayaanka.
“Maxkamadda guud ee ciidamada qalabka sida waxay awood u leedahay inay dacwadaha ku qaado meel kasta oo gudaha iyo dibadda Uganda ah, oo ay ciidamada UPDF ka howlgalaan,” ayaa lagu yiri qoraalka Mugabe.
Askarta Uganda ayaa la laayey kadib markii ururka Al-Shabaab ay cagta mariyeen Saldhig Ciidan oo ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), oo ku yaalla deegaanka Buulo Mareer oo qiyaastii 120 KM dhanka Koonfur Galbeed kaga beegan Muqdisho.