Home Wararka Maanta Ansixinta labada gole ee baarlamaanku ay ansixiyeen heshiis aysan akhrin

Ansixinta labada gole ee baarlamaanku ay ansixiyeen heshiis aysan akhrin

0

Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey heshiis ay dowladda Soomaaliya la gashay dhiggeeda dalka Turkiga, kaas oo ku saabsan iskaashiga dhinaca difaaca iyo dhaqaalaha ah.

213 mudane oo labada aqal ah, ayaa waxay cod gacan taag ah ku meel mariyeen heshiiska, waxaana diiday 3 Xildhibaan, sida uu markiiba ku dhawaaqay guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe.

Xildhibaannada qaar ayaa muujiyay in ay diiddan yihiin ansixinta heshiiskan ka dib markii qoraallo ku saleysan aragtidooda ay ku baahiyeen baraha bulshada.

Dhiniciisa wasiirka Difaaca Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo baarlamaanka la hadlay, ayaa ku tilmaamay guul taariikhi ah oo u soo hoyatay Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, isagoo xusay inuu muhiim u yahay difaaca dhulka iyo hantida Soomaaliyeed.

Hadal heyn ayaa sidoo kale ka dhalatay ansixinta heshiiskan walow baarlamanku ay ansixiyeen iyagoo aan akhrin ama aan loo qaybin, waxaana ay qaarkood sheegeen in ay aamineen waxa loo sheegay ee ku qoran heshiiska.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo heshiiskan labada aqal uga warbixinayay, ayaa u sheegay in uu ka hortag u yahay damaca kheyraadka badda ee Soomaaliya iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay dowladda Turkigu “inay ilaalin doonto badda iyo kheyaadka Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin kalluumaysiga sharci darrada ah, sunta lagu shubo xeebaha dalka iyo ka hortagga falalka burcad badeedda”.

Abuukaate Sakariye Yuusuf oo ka faallooda arrimaha sharciga la xiriira ayaan wax ka weydiinay.

“Heshiiskan horta waxaa ansixiyay 213 xubnood oo ka mid ah baarlamaanka, lama dhihi karo dhammaantood waxa ay ku dhaqaaqeen hubsiino la’aan kolley waxaa jirta sababta ay ku aamineen, waxaa kale oo macquul ah in heshiiska ay ku jiraan qodobbo xasaasi ah sidaas awgeedna loo qariyay”, ayuu yiri Abuukaate Sakariye.

Dhinaca kale waxa uu ka hadlay waxa ka iman kara haddii heshiiskan ay ka soo baxaan qodobbo muran dhalin kara ama muujin kara in aysan ka mid ahayn wixii la akhriyay ee xubnaha baarlamaanku ay aamineen.

“Heshiiskan haddii ay ka soo baxaan qodobbo ka baxsan kuwa laga filayo, maadaama aan weli la akhrin waxa ku qoran, waxba dhibaato ah keeni mayso, sababtoo ah baarlamaanku maanta wuu ansixiyay berrina wuu ka laaban karaa oo waa ansax haddii uu burburiyo”, ayuu sii raaciyay.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in heshiiskan iskaashiga dhanka difaaca ee ay la saxiixdeen Turkiga, uusan ahayn mid lagula diririyo Itoobiya oo haatan ay muuqato in xiisad kulul ay ka dhaxayso.

“Waxaan Turkiga u kaalmo weydiisanay ma ahan inaan Itoobiya lala dirirno, dal kale in lagu duulo ma ahan. Waxay nagu kaalmeeyeen dalkeenna inaan difaacno. Turkiga heshiiska aan la galnay waa intaas,” ayuu yiri madaxweyne Xasan.

Waxa uu madaxweynuhu sheegay in heshiiskan uu yahay mid muddo sannado ah soo socday isla markaana aysan ka dhalan xiisad hadda soo korortay.

Madaxweynaha ayaa sheegay dowladda Turkiga inay ilaalin doonto badda iyo kheyaadka Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin kalluumaysiga sharci darrada, sunta lagu shubo xeebaha iyo ka hortagga falalka burcad badeedda.

“Marka aan la sheekeystay dadka arrintan xog ogaalka u ah isla markaana aan eegay aragtiyada shacabku ay ka qabaan heshiiskan sida deg dega ah loo ansixiyay, dadku waxa ay ku qanacsan yihiin sida ay wax u socdaan maadaama muran badeed uu haatan soo kala dhex galay Soomaaliya iyo Itoobiya” Sidaas waxaa markale BBC-da u sheegay Abuukaate Sakariye Yuusuf.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu sheegay in heshiiskaan xogtiisa la qariyay, isagoo tilmaamay in ay ku jirto masaalixda ummadda Soomaaliyeed, balse waxa uu sheegay in dhawaan si rasmi ah loo shaacin doono macluumaadka heshiiskan.

Dhinaca kale xildhibaannada mucaaraday qarinta heshiiskan waxaa ka mid ah xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu iyo xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

“Madaxweynaha waan ku aaminnay heshiiskan laakiin su’aalaha aan ka keeni lahaa haddii fursad la’iisiiyo waxaa kamid ahaan lahaa, ma caddahay in dowladda Turkigu difaaceyso badda Soomaaliya?, heshiisyadii kale ee hore xagee ku dambeeyeen? Sidee u maareyn karnaa dowladaha laga yaabo in Turkigu ay is hayaan? Dowladdu maxay u qaadi la’dahay tallaabooyin la xiriira damaca Itoobiya?, sidaasi waxaa qoray Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

“Runtii heshiiska wey noo faah faahiyeen weyna ku mahadsan yihiin, laakiin waxaan aragnaa in ay kamid yihiin arrimo dhaqaale taasna wasaarad kale ayaa ku shaqo leh, runtii heshiis haba yaraatee aanan ogeyn oo aanan akhrin, waxaan xaq u leeyahay waxaan aaminsanahay in aan arko waxa aan ansixinayo, sidaa darted waa nasiib xumo in baarlamaanku ay anisixiyaan wax aaneyn arkin”, sidaas waxaa isna warbaahinta u sheegay Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu.

Heshiiska ayaa la sheegay in uu yahay mid soconaya muddo 10 sano ah, inkastoo weli aan la soo bandhigin macluumaadka iyo waxyaabaha uu ka kooban yahay.

Ad
Previous articleNin Masaar u adeegsaday ku Filay ninkale iyo Booliska oo Qabtay Ninkii dilka Gaystay
Next articleUkraine oo soo ridday diyaarad labaad oo uu Ruushka leeyahay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here