Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dhacdo argagax leh oo xalay ka dhacday gudaha deegaanka Gubadley ee duleedka magaalada Muqdisho, kadib markii haweeney ku hubeysan mindi ay laba gabdhood ku dishay halkaasi.
Qaar kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in muran ka dhashay carruur is dagaashay uu soo kala dhex-galay haweeneyda iyo labada gabadhood, kadibna ay eedeysanaha soo qaadatay toorey, sidaasna ay ku dishay labada hablood.
Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee deegaanka Gubadley oo goobta tegay ayaa howlgal ay sameeyeen waxay gacanta kusoo dhigeen haweeneydii ka dambeysay falkaasi oo markii hore isku deyday inay goobta ka baxsato, waxaana la geeyay xarunta hay’adda C.I.D-da.
“Waxaa haweeneyda eedeysanaha ku socoto baaris waxaana la hor geyn doonaa cadaalada” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska booliska ee gobolka Banaadir.
Si kastaba, dhacdadan ayaa argagax weyn ku reebtay dadka deegaanka, ayada oo sidoo kale, si aad ah looga hadal haayo baraha bulshada ee Internet-ka.