Horjooge Xasan Warsame Cabdiraxmaan (Jabal) iyo labo maleeshiyo ah oo la socota ayaa isku dhiibay Ciidamada deegaanka ee ka dagaalamaya bariga Gobalka Galguduud sida uu warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay gudoomiyaha degmada Baxdo Maxed Cabdulaahi.
Horjoogahaan ayaa ka mid ah kuwa muhiimka u ahaa Khawaarijta ka dagaalamaysa Galmudug waxaana ay qeyb ka yihiin tiro Maleyshiyaad ah oo maalmihii la soo dhaafay si isdaba joog ah uga soo baxayay safka Khawaarijta.
Maalmihii Lasoo Dhaafay Waxaa Hakad Ku jiray Dagaalkii Galmudug ku Qaaday Alshabaab lamana Oga Sababta Balse Waxaa Guud ahaan Deegaanada ee Alshabaab ku Suganyihiin laga Xanibay Gadiidkii Raashinka Iyo Badeecada Gayn. Lahaa.
Caasimada galmudug Waxaa Ku Xayiran Gadiid Farabadan oo Raashin iyo Agab kale u Waday Degmada Ceelbuur Taas oo ladiiday inay ugudbaab Deegaanada ay Alshabaab Wali maamulayaan.