Home Wararka Caalamka Amal Clooney oo taageertay go’aanka maxkamadda dambiyada ICC ee lagu Soo Xiraayo...

Amal Clooney oo taageertay go’aanka maxkamadda dambiyada ICC ee lagu Soo Xiraayo Netayaahuu.

0

Amal Clooney oo ku lug laheyd go’aanka ICC ayaa soo dhaweysay hadalka maanta soo baxay.

Clooney oo ah qareen xuquuqda aadanaha oo caan ah ayaa sheegtay in dacwad oogaha maxkamadda, Karim Khan uu la soo xiriiray afar bilood ka hor si ay uga caawiso qiimeynta cadeymaha.

“Marna ma aqbalayo in nolosha cunug ay ka qiimo hooseyso tan mid kale” ayey tiri Clooney iyadoo intaas sii raacisay

“Ma aqbalayo in dagaalada iyo kuwa dambiga geyestsay ay noqdaan kuwa sharciga ka sareeya. Qareen ahaan waxaan taageersanahay tallaabadan taariikhiga ah ee dacwad oogaha maxkamadda ICC uu u qaaday in uu cadaalad u keeno dhibanayaasha Israel iyo Falastiin”

Amal Clooney waa qareen u dhashay Britain. Ninkeeda waa jilaaga caanka George Clooney

Ad
Previous articleMaxkamada ICC oo Amartay in la soo xiro Raisul Wasare Netanyahu & Wasiirkiisa Difaaca
Next articleXisbiga Talo ku nool ee Hanjabaad culus Soo Saaray kadib Xariga Taakeeye