Home Wararka Maanta Amadi: Sida uu caanka ku noqday majaajiliistaha waxbarshada dhexda uga tagay duruufta...

Amadi: Sida uu caanka ku noqday majaajiliistaha waxbarshada dhexda uga tagay duruufta awgeed

0

Majaajiliistaha shirkadda filimada Hindiga ee Bollywoodka Johnny Lever, oo ay Soomaalida u taqaanno Amadi ayaa ah jilaa ay Soomaalida aad u jeceshay qaabka jilniinkiisa.

Johnny Lever(Amadi) wuxuu ka mid yahay majaajiliisteyaasha hadda sida weyn loo yaqaanno, laakiin wuxuu mar walba ficilladiisa qosolka leh uga dayan jiray Jagdeep oo gacanta soo qabtay markii uu ku soo biirayay jilliinka kaas oo geeriyooday bishii Luuliyo ee sannadkii 2020-kii. Amadi ayaana ka qeyb galay aaska Jagdeep.

Haddaba maxaad ka taqaanaa nolosha Johnny Lever (Amadi)?

Johnny Lever waxa uu sannadkii 1957-dii ku dhashay Prakasam, Andhra Pradesh.

Aabbihii waxa uu hawlwadeen ka ahaa warshada Hindustan Unilever halkaas oo uu sidoo kale shaqaale ahaan uga soo shaqeeyay lix sano.

Lever wuxuu ku koray aagga King’s Circle ee Dharavi ee Mumbai. Afkiisa hooyo waa Telugu wuxuuna si fiican ugu hadlaa luuqadaha Hindi, English, Marathi iyo Tulu. Waa curadka qoyskiisa oo ka kooban saddex gabdhood iyo laba wiil.

Wuxuu guursaday Sujatha Lever sannadkii 1984 waxayna isu leeyihiin laba carruur ah oo lakala yiraahdo Jamie iyo Jessy.

Walaalkiis ka yar, Jimmy Moses, ayaa sidoo kale ah majaajiliste ku xeel dheer farshaxanka.

Lever wuxuu waxbarshada ku gaaray ilaa fasalka toddobaad isagoo dhiganayay iskuulka education society English high school. Wax barashada ayuu uga tagay sababo la xiriira dhaqaalo la’aan maaddaamaqoyskiisa aysan awoodin inay ka bixyaan kharaashaadka waxbarashada.

Taasi waxay keentay inuu go’aansado inuu iskuulka isaga tago, wuxuuna bilaabay shaqooyin sida inuu qalimaanta ku iibiyo wadooyinka Mumbai isagoo mararka qaar iska dhidhigaya oo ku dayana xidigihii caanka ahaa ee xiligaa fanka Hindiga ahaa.

Wuxuu qoob ka ciyaar ku sameeyn jiray heesaha xidigaha aflaanta Hindiga. Sidoo kale waxa sanado ka mid ah noloshiisa ku qaatay Yakutpura, oo ah magaalo qadiimi ah oo Hyderabad ka tirsan, halkaas oo uu ku bartay qaabka gaarka ah ee jilitaanka majaajilada.

Waxa uu shaqadiisa aflaanta bilaabay sanadkii 1984-kii, waxaana uu jilay in ka badan saddex boqol oo filim oo Hindi ah.

Intii uu ka shaqaynayay shirkadda Hindustan Unilever, waxa iska dhigay dhawr sarkaal oo sarsare oo ka tirsan shirkadda, maalintaas wixii ka dambeeyayna, shaqaaluhu waxa ku yirahdeen waxaa lagu dhaha Johnny Lever. Markii dambe markii uu ku biiray shirkadda aflaanta, wuxuu go’aansaday inuu Johnny Lever u isticmaalo magaciisa shaashadaha.

Guushii ugu horreysay ee uu gaaro waxay timid markii uu ka qeyb qaatay filimkii Baazigar, ka dib waxaa lagu arkay filimaan badan isagoo ah jilaa/majaajiliiste.

Inkastoo uu ku mashquulsanaa doorkiisii filimada, hadana Jony wuxuu sii waday samaynta bandhigyada tooska ah ee majaajilada. Mid ka mid ah majaajiladiisii tooska ahayd ee aadka xusuusto ayaa ahayd mid uu iska dhigayay Michael Jackson taas oo u horseedday inuu ku guuleysto Abaalmarinta Filmfare ee 1999-kii.

Wuxuu kaloo jilay filim Tulu ah, oo la yirahdo Rang. Filimkiisii ugu horreeyay ee Tamil-ka ahna wuxuu ahaa Anbirkku Alavillai oo la sii daayay 2011.

Waa madaxa shirkadda MAAM (Mimicry Artist Association Mumbai), wuxuuna adduunka oo dhan ka sameeyay kumanaan bandhigyo toos ah

Ad
Previous articleAlshabaab oo lagu Laayay Degaan Ay shalay Weerareen
Next articlePuntland oo ka hadashay sababta Garowe looga celiyay guddoomiye Sacdiyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here