Home Wararka Maanta Amaanka Magaalada Muqdisho oo Maalmihii Danbe sii Xumanaaya iyo Waxa isbadal

Amaanka Magaalada Muqdisho oo Maalmihii Danbe sii Xumanaaya iyo Waxa isbadal

0

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maalmihii u dambeeyay ka dhacayay falal ammaan darri ah oo isugu jiro dilal, qaraxyo iyo weeraro loo adeegsanayay hoobiyeyaal kusoo dhacay xaafado ka tirsan gudaha caasimada.

Hoobiyihii u dambeeyay ayaa habeen hore kusoo dhacay guri u dhow madaxtooyada Soomaaliya, sidoo kale dilkii u dambeeyay waxaa loo gaystay Aadan Biit oo ka tirsanaa saraakiisha ciidanka Booliska Soomaaliyeed, kaas oo lagu toogtay isaga oo fadhiyay maqaayad ku taalla agagaarka Iskuul Buluusiya ee magaalada Muqdisho.

Dhammaan weeraradan ayaa dhacay, ayada oo weli dadaallo amni sugid ah ay wadaan ciidamada ammaanka oo bilo kahor ku guuleystay inay xasiliyaan amniga Muqdisho.

Haddaba maxaa ka khaldamay amniga magaalada Muqdisho?

Korneel Cabdullaahi Cali Macow oo ka tirsan Saraakiishii hore ee NISA ayaa wareysi uu siiyay Idaacadda Kulmiye uga hadlay xaaladaha soo kordhay iyo khaladaadka ka jira hay’adaha amniga ee dowladda Soomaaliya.

Sarkaalkan ayaa qiray in ay jiraan dhibaatooyin badan oo lagu hayo shacabka iyo ganacsatada, kuwaas oo qaarkood ay gaysanayaan xubno ka tirsan ciidamada, wuxuuna sheegay in arrintaas ay hoos u dhigtay taageeradii dowladda ee shacabka.

“Dadka dhibaato badan ayay ku jiraan, gaar ahaan ganacsatada, waxaa dhibaato ku hayo Booliska qaarkiis oo waddada u taagan, marka amni ayaan sugayaa dadweynihiima kama haysto taageero, hay’adaha amniga waxa ay luminayaan taageerada dowladda” ayuu yiri Macow.

Macow ayaa tusaale usoo qaatay weerarkii lagu dilay Sayid-Cali Cabdi Cadde oo ahaa sarkaal milatari ah oo dhowaan lagu dilay dagaal ciidamada ku dhexmaray degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

“Haddii aan tusaale usoo qaatay wiilkii sarkaalka ahaa ee lagu dilay Boondheere ciidan meesha maraayo oo baabuuro Tiknika ah wato ayaa askartii dagaalka kala timid oo bannaanka fadhiyo waa kala shakinay xabad ayaaba la’isku bilaabay, yaa u ogolaaday inay intaas oo rasaas ah ku ridaan xaafadaha?” ayuu sii raaciyay Korneelku.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay hay’adaha amniga inay dib isugu laabtaan oo ay saxaan khaladaadka ka dhex jira, si loo soo celiyo wada shaqeyntii shacabka iyo dowladda oo uu tilmaamay inay haatan meesha ka baxday.

Waxaan leeyahay hay’adaha amniga dib ha’isugu noqdaano oo marka dhibaatada lagu hayo dadka baaris halagu sameeyo” ayuu mar kale wareysiga ku yiri Korneel Macow.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan caasimada laga dareemayo culays amni, maadaama ay Al-Shabaab dib u billaabeem weeraradoodii, waxaana sidoo kale soo kordhay beegsi lagu hayo shirkadaha waa wayn, sida Hormuud iyo Korontada BECO.

Ad
Previous articleGanacsade Jabuutawi oo Wareejiyay Gaadiid Dagaal oo lagula Dagalaamaayo Soomaaliland(Sawiro)
Next articleSoomaaliland oo Dowlada Turkiga uga Digtay inay Yimaadaan Xeebaha Soomaaliland Si ay Itoobiya Uga Difaacaan Soomaaliya Xeebaheeda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here