Home Wararka Maanta Alshabab oo Weerar ku Qaaday Saldhig Ciidamada Gorgor Daganayeen

Alshabab oo Weerar ku Qaaday Saldhig Ciidamada Gorgor Daganayeen

0

Al-Shabaab ayaa saaka waaberigii weerar madaafiic ah ku qaaday Saldhig Ciidamada xoogga dalka ku leeyihiin degmada Awdheegle ee gobolka Sh/Hoose.

Dadka degaanka ayaa sheegay inay maqleen aroornimadii saaka dhawaqa madaafiicda lagu weeraray Saldhiga Awdheegle, kuwaasoo tiro ahaan gaarayey 5-7

Ciidamada dowladda ee ku suignaa saldhigaas ayaa madaafiic kale kaga jawaabay weerarka lagu soo qaaday Saldhigooda degmada Awdheegle, iyagoo la beegsaday goobo ay tuhunsanaayeen in laga soo riday madaafiicda iyaga lagu soo weeraray.

Lama oga  khasaaraha labada dhinac ka soo gaaray madaafiicda ay isku weydaarsadeen nawaaxiga degmada Aw-dheegle

Ciidamada Kumandoska ee Gorgor ee degan saldhigaas ayaa saaka howlaglo ka wada dhul iskugu jira keymo iyo beero ku yaalla duleedka degmada Aw-dheegle, iyagoo baadi goobaya kooxihii xalay soo weeraray.

Ad
Previous articleIndhacade oo Sheegay in La Dili Rabo Xasan Sheekh iyo C.raxmaan C.shakuur
Next articleKuriyada woqooyi oo Tijaabisay Gantaal Gaaraaya Guduha Maraykanka iyo Maraykanka oo Ka Naxay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here