Home Wararka Maanta Alshabab oo Weerar Ku dilay Askar Ka Tirsanaa Ciidamada…..

Alshabab oo Weerar Ku dilay Askar Ka Tirsanaa Ciidamada…..

0

Faah-faahino kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar ay Al-Sabaab ay ku qaadeen kolonyo ka tirsan ciidamada ATMIS oo ku socdaalayay qaybo kamid ah gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta dalka Soomaaliya.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa ka dhacay duleedka deegaanka lambar 60 ee gobolkaasi, waxaana xigay dagaal toos ah oo dhex-maray labada dhinac.

Al-Shabaab oo guul ka sheegatay weerarkan ayaa shaacisay inay goobta ku dishay ugu yaraan 5 askari oo ka tirsanaa ciidanka Uganda ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS.

Ma jiraan ilo madax bannaan oo xaqiijin kara sheegashada Al-Shabaab ee ku aadan khasaaraha dagaalkaas iyo weerarka ka horeeyay, mana jiro war kasoo baxay ATMIS.

Dhinaca kale weerar kale oo loo adeegsaday madaafiic ayaa isla xalay kooxda Al-Shabaab waxa ay ku qaaday saldhig kale oo ciidamada ATMIS ay ku leeyihiin deegaanka Bur-Culow oo hoosataga magaalo xeebeedka Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose, mana cadda illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeedo laga dareemayaa gobolka Shabeelaha Hoose oo ay ku xoogan tahay Al-Shabaab.

Inta badan kooxda ayaa beegsata saldhigyada ATMIS ee gobolka, waxaana la xasuustaa weerarkii Buulo-mareer oo lagu dilay  ugu yaraan 57 askari oo ka tirsanaa ciidanka Uganda.

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo War kasoo Saartay Dadka ay kasoo Celinayso Dalka Jarmalka
Next articleSoomaali kale oo Lagu Dilay Nayrrobi iyo Cabsi Xoogan oo soo Wajahday Soomaalida ku nool Dalkaas