Home Wararka Maanta Alshabaab oo Weerar Gaadmo ah lagu laayay Qaarna nololsha Lagu Qabtay

Alshabaab oo Weerar Gaadmo ah lagu laayay Qaarna nololsha Lagu Qabtay

0

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya oo howlgal qorsheysan sameeyey ayaa dilay 7 kamid ah kooxda A-Shabaab, sidoo kalana wuxuu taliska ciidanka sheegay inay gacanta kusoo dhigeen laba kamid ah

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Odowaa Yuusuf Raage oo ka hadlay howlgalkaan ayaa sheegay inay howlgalkaan ka sameeyeen agagaarka deegaanka War-ciise ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaasi oo ay ciidamadu ku qabsadeen gaadiid dagaal iyo qalab ay wateen Al-Shabaab.

Odowaa oo la hadlay Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ee SNTV ayaa sheegay in howlgalkaasi lagu soo furtay hub iyo lacag ay kooxaha Al-shabaab ka qaadan jireen dadka deegaanka.

“ Ujeedka howlgalkan ayaa ahaa mid looga hortagayo falalka argagixisanimo ee ka dhanka ah shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri taliye Odawaa.

Sidoo kale, taliye Odawaa ayaa sheegay in la burburiyey saldhigyo dhowr ah oo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaankaasi iyo sidoo kale maxkamado guurguura oo taliyuhu sheegay inay  ahaayeen kuwa sharci darro ah oo ay shacabka ku dhibaateyn jireen.

Ad
Previous articleMid ka Mid ah ilaalada Gaarka ah ee Cumar Finish oo la Dilay
Next articleTrump oo sheegay in Mareykanka ay u taallo howl ka weyn gargaarka militeri ee Ukraine

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here