Home Wararka Maanta Alshabaabkii ugu Badnaa oo u hogaaminaayay Madixii Canshuuraha Baacaadwayne oo Halmar isasoo...

Alshabaabkii ugu Badnaa oo u hogaaminaayay Madixii Canshuuraha Baacaadwayne oo Halmar isasoo Dhiibay(Sawiro)

0

Taliska Nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ee NISA ee ka howlgala deegaanada maamulka Koonfur Galbeed ayaa magaalada Baydhaba kusoo bandhigay 14 xubnood oo ka mid ahaa kooxda Al-Shabaab.

Kooxdaan ayaa la sheegay inay isku soo dhiibeen ciidanka, isla markaana uu ku socdo baaritaan ku saabsan waxa ay damacsan yihiin iyo in go’aanka soo goosashada uu dhab ka yahay.

Saraakiisha NISA ayaa warbaahinta u sheegay in kooxdaan ay ka tirsaneed qeybta ay Shabaab ugu yeeraan jabhadaha, kuwaas oo ah guutooyinka fuliya weerarada toos ka ah ee lagu qaado xeryaha ciidamada dowladda iuo kuwa ATMIS.

Raggaan oo maanta lagu soo bandhigay Baydhaba ayaa la weydiiyey sababta ku kaliftay inay halmar ka soo wada goostaan Al-Shabaab, waxayna sababta ku sheegeen inay soo wajahday cabsidii ugu badneed, nolol adag iyo cadaadis aad u badan oo kaga imaanayey hoggaamiyeyaasha kooxda.

Dhinaca kale, Ismaaciil Aadan Maxamed oo dhanka uruurinta canshuurta u qaabilsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa maanta iska dhiibtay magaalada Bacaadweyne ee gobolka Mudug.

Ninkaan ayaa la sheegay in kooxda uu masuul kaga ahaa canahuuraha deegaanka Bacaadweyne oo dhawaan laga xoreeyey Al-Shabaab, isagoo horay u sii raacay kooxda markii laga saaray deegaanka.

Maanta ayaa cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo baacsanayey kooxda Al-Shabaab waxay Ismaaciil ku qabteen deegaan lagu magacaabo Qoriley oo u dhow mahaalada Bacaadweyne ee koofurta Gobolka Mudug.

Saraakiisha ciidanka xooga dalka, gaar ahaan qeybta 21-aad, Daraawiishta Galmudug iyo kuwa deegaanka oo iska kaashaday howlgalka lagu soo qabtay ninkaan ayaa sheegay inuu isku soo dhiibay ciidamada, isla markaana uu u sheegay in markii la qabtay uu ku jiray socodkii uu isku soo dhiibi lahaa.

Ad
Previous articleImaamka Beesha Mudulood oo Xasan Shiikh ugu baaqay inuu Beeshiisa usoo laabto
Next articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo Galabtay Dib ugu Laabtay Dhuusamareeb iyo Alshabaab Dagaal culus ku Dhexmaray Galmudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here