Home Wararka Maanta Alshabaabkii ugu Badnaa oo Maantay isku Dhiibay Ciidamada Galmudug

Alshabaabkii ugu Badnaa oo Maantay isku Dhiibay Ciidamada Galmudug

0

Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay isku soo dhiibeen ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ree howlgallada ka wada deegaanada Galmudug.

Xubnahan oo tiradooda lagu sheegay ilaa 30 ayaa waxaa ku jira horjoogayaal sar sare, sida ay innoo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan ciidanka milatariga Soomaaliya.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in xubnahaan ay iska soo dhiibeen furinta hore ee dagaalka, gaar ahaan aagga deegaanka Bulacle oo bari ka xiga Dhuusamareeb.

Saraakiisha milatariga ee aan la xiriirnay ayaa shaaca ka qaaday in lasoo dhaweeyay xubnahaan, isla-markaana ay haatan ku jiraan gacanta dowladda, waxayna intaasi ku dareen inay mari doonaan habraaca loogu talagalay xubnaha kasoo goosta Al-Shabaab.

Sidoo kale, waxaa raggan kasoo baxay Al-Shabaab iyo horjoogayaashooda ay wataan hub ay kala goosteen kooxda, ayada oo lagu soo dhaweeyay duleedka Dhuusamareeb.

Sida ay ogaatay Mudug24, xubnahan ayaa kamid ah raggii kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa gobolka Galgaduud, waxayna horay dhibaatooyin ugu gaysteen shacabka.

Dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa inay arrintaan ka hadasho, soona bandhigto xubnaha isa soo dhiibay oo tiro ahaan noqonayo kuwii ugu badnaa oo hal mar soo goostay.

Tani ayaa qayb ka ah xubnaha kasoo tegaya Al-Shabaab, kuwaa soo aad usoo kordhayay maalmihii lasoo dhaafay, waxayna ku timid cadaadiska ay kala kulmaan howlgallada iyo duqeymaha ka soconaya qaybo badan oo kamid ah koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa ka soconaya guluf dagaal oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda, kuwaas oo khasaare lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab, loogana qabsaday dhul ballaaran.

Ad
Previous articleBeelaha Ceyr Mursade iyo Xawaadle oo Ku Dhawaaqay isbahaysi Cusub
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Dagaalkii Cuslaa ee Ka Dhacay Duleedka Galdogob ee Gobalka Mudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here