Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay isku soo dhiibeen ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ree howlgallada ka wada deegaanada Galmudug.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in xubnahaan ay iska soo dhiibeen furinta hore ee dagaalka, gaar ahaan aagga deegaanka Bulacle oo bari ka xiga Dhuusamareeb.
Saraakiisha milatariga ee aan la xiriirnay ayaa shaaca ka qaaday in lasoo dhaweeyay xubnahaan, isla-markaana ay haatan ku jiraan gacanta dowladda, waxayna intaasi ku dareen inay mari doonaan habraaca loogu talagalay xubnaha kasoo goosta Al-Shabaab.
Sidoo kale, waxaa raggan kasoo baxay Al-Shabaab iyo horjoogayaashooda ay wataan hub ay kala goosteen kooxda, ayada oo lagu soo dhaweeyay duleedka Dhuusamareeb.
Sida ay ogaatay Mudug24, xubnahan ayaa kamid ah raggii kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa gobolka Galgaduud, waxayna horay dhibaatooyin ugu gaysteen shacabka.
Dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa inay arrintaan ka hadasho, soona bandhigto xubnaha isa soo dhiibay oo tiro ahaan noqonayo kuwii ugu badnaa oo hal mar soo goostay.
Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa ka soconaya guluf dagaal oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda, kuwaas oo khasaare lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab, loogana qabsaday dhul ballaaran.