Home Wararka Maanta Alshabaab weerar isku Diyaarinaayay oo la,laayay

Alshabaab weerar isku Diyaarinaayay oo la,laayay

0

Ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay iney duleedka magaalada Janaale ee gobolka Shabeellada Hoose ku laayeen koox ka tirsan Al-shabaab oo dooneysay inay jidka u galaan kolonyo ka tirsan ciidanka ATMIS.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa warbaahinta DF u sheegay inay halkaas ku dileen ugu yaraan 10 dagaalyahan, kuwaasoo meydadkooda ay warbaahinta u soo bandhigeen.

Dhinaca kale ugu yaraan 10 dagaalyahan oo ka wada tirsan Al-shabaab ayaa ku geeriyootay labaatameeyo kalena dhaawacyo xooggan ayaa ka soo gaaray dagaal culus oo ku dhexmaray meel ku dhow degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe sida ay sheegtay warbaahinta DF.

Dagaalka ayaa dhacay halka lagu magacaabo Yaaq shabeel oo u dhexeysa Kaam jirroon iyo Beexaani ayaa geystay qasaara baaxad leh oo labada dhinac soo kala gaaray.

“Dagaalka ayaa yimid markii horjooge lagu magacaabo Ismaaciil Boorow kana soo jeeda degmada Xuddur ee gobolka Bakool uu kasoo goostay khawaarijta, taasoo sababtay in koox daacad u ah dhagar-qabe Mahad Karratay ay weerar ku qaadaan” ayaa lagu yiri war laga sii daayey warbaahinta DF.

 

Ad
Previous articleYaa ku gacan sarreeya dagaalka ka socda Khartuum? Maxaase laisku hayaa?
Next articleMuhiimad intee le eg ayay leedahay Magaalada Budbud ee Shalay Alshabaab laga Saaray