Home Wararka Maanta Alshabaab weerar isku Diyaarinaayay oo Dagaal Culus Lagu Qaaday Deegaano Hor lehna...

Alshabaab weerar isku Diyaarinaayay oo Dagaal Culus Lagu Qaaday Deegaano Hor lehna laga Saaray

0

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa maanta fashiliyay weerar ay Al-Shabaab qorsheynayeen, kadib markii ay weerar ku qaadeen goob ay maleeshiyaad ka tirsan kooxda isku uruursanayeen.

Wararka ayaa sheegaya in dagaal toos ah uu dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo dhinac ah iyo xubnaha Shabaabka ah, ayada oo halkaas jab xoogan lagu gaarsiiyay Al-Shabaab.

Dagaalkan oo ka dhacay degaanka Beerxaano oo dhaca Koonfurta magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sidoo kale waxay ciidamada kula wareegeen deegaano ay kamid yihiin Beerxaano, Tarashante, Dhoqor iyo kuwa kale oo dhamaantood dhaca Koonfurta magaalada Beledweyne kuna teedsan wabiga Shabeelle.

Wararka aan helayno ayaa sidoo kale sheegaya in intii uu socday dagaalka ciidan gurmad ah oo uu hogaaminayay Taliye Xasan Guuleed oo kamid ah saraakiisha guutada 5-aad qeybta 27-aad ayna wehliyeen ciidanka Gorgor ay gaareen goobta uu dagaalka ka dhacay.

Saraakiisha ciidamada dowladda oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in xaaladu ay tahay mid degan, islamarkaana ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay wadaan howl-galo kala duwan.

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa maalmihii dambe kordhiyay howl-galada ay ug hortagayaan weerarada gaadmada ah ee Al-Shabaab, ayada oo shalay ciidamada huwanta ay weerar ku qaadeen xubno ka tirsan kooxda oo isku uruursanayey deegaanka Ceelgorof ee gobolka Galgaduud.

Xubnaha kooxda Al-Shabaab ee la weeraray ayaa lagu soo warramayaa in xilligaasi ay qorsheynayeen inay weeraraan deegaanka Goobo oo hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka.

Saraakiil ka tirsan milariha Soomaaliya ayaa sheegay inay heleen xogta Al-Shabaab, kadibna ay u daba mareen inay ku weeraraan deegaanka Ceelgorof, taas oo dhabar jab u keentay kooxda weerarka ku qaadi laheyd aagga Maxaas.

Howl-galada ayaa lagu soo warramayaa in ay weli kasii socdaan xadka u dhexeeya labada gobol ee Hiiraan iyo Galgaduud oo dhaca bartamaha Soomaaliya.

Si kastaba, Hiiraan iyo Galgaduud ayaa kamid ah gobollada ay ka socdaan howl-galada xoreynta ah, waxaana jab xoogan lagu gaarsiiyay Al-Shabaab oo looga saaray dhulkii ugu ballaarnaa.

Raisal Wasaare Xambe Bare oo lagu Wareejiyay 25 kamid ah Maxaabiista Somaliland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa la wareegay 25 maxbuus oo kasoo jeeda Somaliland, kuwaas oo lagu qabtay dagaalladii ka dhacay gobolka Sool, sida lagu sheegay warmurtiyeed

Magaalada Muqdisho oo Rasi ah looga bilaabay Diiwaangalinta Doorasho Qof iyo Cod

Waxaa maanata magaalada Muqdisho si rasmi ah uga bilaawday diiwaangalinta cod bixiyayaasha oo ah talaabadii ugu dambeysay ee ka harsanayd bilaabashada doorashada qof iyo codka ah ee golayaasha deegaanka. Guddoomiyaha

Warar laga helayo Dagaal ka Socda Galmudug gaar ahaan Deegaanka Haamcaduur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo ka dhacay tuulada Haamcaduur oo hoostagta deegaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud, kaasoo dhexmaray ciidamada deegaanka iyo kuwa Al-shabaab. Dagaalka ayaa la

UK oo kordhisay Kaalmada ay siiso Ciidanka Dowlada somaliya Xili uu jiro Dagaalka Shabaab

Iyadoo Soomaaliya ay wajahayso halis amni oo cusub oo ka imaanaysa Al-Shabaab oo markale xoogeysanaya, ayaa Boqortooyada Midowday ee UK waxay kordhisay taageerada ay siiso Ciidamada Amniga Soomaaliya (SSF). UK

Dalka Mareykanka oo lagu Xiray Muwaadin Somali ah oo lala Xiriirinayo dambiyo maandooriye

Saraakiisha Ilaalada Xuduudaha ee Maraykanka gaar ahaan Waaxda Blaine, Washington, ayaa xiray Muwaadin Soomaali ah oo taariikh dembi ku lahaa dalkaasi Mareykanka maadama lala xiriiriyay isticmaalka iyo dambiyada ka dhaca
Ad
Previous articleMadaxweynaha Kenya Oo Soo Gaaray Muqdisho(Sawiro)
Next articleGo’aano ay Dagaalka kula soo Biiraayaan Itoobiya Kenya Iyo Jabuuti oo Muqdisho lagu kala Saxiixday(Sawiro)