Home Wararka Maanta Alshabaab u isku aruursanaayay Galmudug oo Duqayn lagu Garaacay

Alshabaab u isku aruursanaayay Galmudug oo Duqayn lagu Garaacay

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xalay duqeyn culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab laga fuliyay qaybo kamid ah gobolkaasi, taas oo dhalisay khasaare xoogleh.

Duqeynta ayaa si gaar ah uga dhacday deegaanka Cali Hayle oo u dhow xadka ay wadaagaan gobollada Galgaduud ee Shabeelaha Dhexe, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka, waxaana lagu garaacay goobo ay ku dhuumaaleysanayeen Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya oo ka hadlay weerarkan dhanka cirka ah ayaa sheegay in lagu beegsaday saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen halkaas, isla markaana laga war helin dhaq-dhaqaaq iyo abaabul ay ka wadeen deegaanka lagu duqeeyay.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in khasaare culus lagu gaarsiiyay howlgalkan, sidoo kale lagu burburiyay saldhigyo iyo xarumo muhiim ah oo ay ku lahaayeen deegaanka Cali Hayle.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaasi dhanka cirka ee lagu qaaday.

Duqeyntan waxaaka horreysay mid kale oo ka dhacday deegaano hoostaga degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaas oo ay ku sugan yihiin Shabaab kale.

Dowlada Somaliya oo Xirtay Dhamaan Website-yada Xiriirka lalahaa Kooxda Shabaab

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa xirtay ilaa iyo 12 warbaahin, nooca mareegaha ah oo ay Al Shabaab lahaayeen, iyadoo horay dowladdu ugu guuleysatey xiritaanka in ka badan 30 bar mareeg

Dowlada Somaliya oo Shaacisay in Dalka uu aaday Doorasho Qof iyo Cod Ah

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta shahaadada rasmiga ee Ururnimo Gudoonsiiyey Ururka 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐰𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 oo soo buuxiyey shurudihii looga baahnaa. Kulanka shahaadada lagu gudoonsiinyey Ururka ayaa

Xiisada u Dhaxeysa Dalalka Itoobiya iyo Eritrea oo soo Kordheysa

Xiisada u dhexeysa Itoobiya iyo Eritrea ayaa sare u kacday, iyadoo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal uu si xowli ah u sii kala fogaanayo. Arrintan waxay salka ku haysaa Rabitaanka 

Nabadoono Caan ahaa oo ka mid noqday dadka ku dhintay weerarka hotel Qaahira ee Baledweyne

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ku bilaawday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo uu xigay dagaal toos ah oo waabarigii hore ee saakay kooxda

Baarlamaanka Dalka Soomaaliya oo meel mariyay labo Hindise sharciyeed

Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta labo hindise sharciyeed oo muhiimad si aqlabiyad ah u meel mariyay kadib markii golaha shacabka ku yeesheen kalfadhiga lixaad kulankiisa lixaad oo uu shir
Ad
Previous articleQaramada Midoobay oo Si adag ula Hadashay Dowlada Soomaaliya Digniina Udirtay
Next articleCabdiraxman Cabdishakuur” Ka hortagga damaca Itoobiya waa masuuliyad dowladeed ee ma aha mid beeleed”