Home Wararka Somaliya Puntland Alshabaab soo Saakay weerar Khasaara Badan Dhaliyay ku Qaaday Puntland

Alshabaab soo Saakay weerar Khasaara Badan Dhaliyay ku Qaaday Puntland

0

Dagaalyahano aad u hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa saakay aroortii weerar culus ku qaaday deegaanka  Af-Urur ee gobolka Bari gaar ahaan xero ciidamada daraawiishta Puntland ay degnaayeen.

Weerarka ayaa ku bilowday madaafiic Al Shabaab ku garaaceen xerada , waxaana madaafiicda kaddib halkaasi ka bilowday dagaal toos ah oo labada dhinac isku adeegsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan.

Dadka deegaanka ku dhaqan ayaa ku waramay in dagaalka saacad ka badan ka socday deegaanka gaar ahaan aaga xerada Af-Urur, waxaana gudaha xerada la arkayay qaac iyo uuro madow oo ka baxayay ,

Khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa weerarkan ka dhashay, Al Shabaab ayaana sheegtay in ay la wareegeen xerada ciidanka ayna halkaasi ku dileen askar badan sidoo kale ku gubeen gaadiid dagaal kuwa kalana ku qabsadeen.

Maamulka Puntland ayaan weli wax war ah kasoo saarin weerarkan saakay lagu qaaday xerada Af-Urur, waxaana weeraro xooggan oo horey xeradan Al Shabaab ugu qaadeen lagu laayay ciidamo badan oo katirsanaa maamulka Puntland.

Ad
Previous articleLaftagareen oo Cadeeyey Sababta Sarakiil Ciidan uu Ugu Soo Daray Baarlamaanka 11naad
Next articleAlshabaab oo Weerar Culus Ku Qaaday Xero Ciidamada AMISOM ee Xalane iyo Booliska Haramcad oo gurmad lama Filaan ah u fidisay AMISOM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here