Home Wararka Somaliya Jubbaland Alshabaab Shiraayay oo Duqayn lala Beegsaday

Alshabaab Shiraayay oo Duqayn lala Beegsaday

0

Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in xalay diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay duqeymo  ka gaysteen degmada Bu’aale ee gobolkaasi, gaar ahaan goob ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Weerarka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ahaa bartilmaameed, isla-markaana lala eegtay xarun uu shir uga socday xubnaha Al-Shabaab, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in duqeyntan uu khasaare kala duwan kasoo gaaray xubnaha Shabaab ee ku shirayay halkaasi, balse ma cada inta uu la’egyahay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobollada Jubbooyinka ee maamulka Jubbaland.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Mareykanka, gaar ahaan taliska AFRICOM iyo dowladda Soomaaliya oo ku aadan duqeyntaasi ka dhacday degmada Bu’aale.

Dhanka kale, Al-Shabaab oo ka hadashay weerarkan dhanka cirka ah ayaa shaaca ka qaaday in duqeynta lala eegtay dad shacab ah, isla-markaana ay waxyeelo kasoo gaartay.

Qoraalka Al-Shabaab ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in duqeynta lagu burburiyay guryo ay dagaanayeen dad rayid ah, balse ma jiraan ilo madax banaan oo xaqiijin karo.

Saddexdii bishaan ayay aheyd markii sidaan oo kale Al-Shabaab lagu duqeeyay Bu’aale, waxaana la beegsaday saddex goobood oo kal ah:- 1-Dhismaha xarunta degmada 2- Xero tababar oo dagaal-yahaanada Al-Shabaab ku lahaayeen duleedka Bu’aale – aagga masjidka Dabaqa 3-Dhismo ku yaallo buundada Bu’aale oo xubnaha Khawaarijta ee Al-Shabaab ku shirayeen.

Si kastaba, Duqeymaha dhanka cirka oo ay  inta badan fuliyaan waddamo ay kamid yihiin Mareykanka iyo Turkiga, ayaa kaalin mug leh ka qaata dagaalka dowladda kula jirto kooxda Al-Shabaab iyo howl-galka socda ee dalka looga xoreynayo kooxda.
Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray magaalada Brussels ee dalka Belgium
Next articleShir Xasaasi ahaa oo loga Hadlay Amniga Caasimada oo Muqdisho lagu Qabtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here