Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in xalay diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay duqeymo ka gaysteen degmada Bu’aale ee gobolkaasi, gaar ahaan goob ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in duqeyntan uu khasaare kala duwan kasoo gaaray xubnaha Shabaab ee ku shirayay halkaasi, balse ma cada inta uu la’egyahay.
Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobollada Jubbooyinka ee maamulka Jubbaland.
Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Mareykanka, gaar ahaan taliska AFRICOM iyo dowladda Soomaaliya oo ku aadan duqeyntaasi ka dhacday degmada Bu’aale.
Dhanka kale, Al-Shabaab oo ka hadashay weerarkan dhanka cirka ah ayaa shaaca ka qaaday in duqeynta lala eegtay dad shacab ah, isla-markaana ay waxyeelo kasoo gaartay.
Saddexdii bishaan ayay aheyd markii sidaan oo kale Al-Shabaab lagu duqeeyay Bu’aale, waxaana la beegsaday saddex goobood oo kal ah:- 1-Dhismaha xarunta degmada 2- Xero tababar oo dagaal-yahaanada Al-Shabaab ku lahaayeen duleedka Bu’aale – aagga masjidka Dabaqa 3-Dhismo ku yaallo buundada Bu’aale oo xubnaha Khawaarijta ee Al-Shabaab ku shirayeen.