Home Wararka Maanta Alshabaab Qorshaynaayay inay Weeraraan Camaara oo Duqayn lagu laayay

Alshabaab Qorshaynaayay inay Weeraraan Camaara oo Duqayn lagu laayay

0

Diyaaradaha Dagaalka ayaa Markale Maantay Duqaymo Culus ka Gaystay koonfurta Gobalka Mudug.

Ashabaab isku aruursanayay Duleedka Camaara islamarkaasna Qorshaynaayay inay Weeraraan Magaalada Camaara ayaa La Xaqiijiyay in Duqayn Culus lala Beegsaday.

Duqaymahaan oo Gaaray ilaa 7 Gantaal ayaa laga Maqlay aaga Deegaanka Camaara.

Dowlada Soomaaliya ayaana Goordhow Baahisay Warsaxafadeedkaan:

In Ka badan 30 Khawaarij ah oo lagu dilay Howlgal maanta Ciidanka xoogga uu ka sameeyey Koofurta Mudug.

Howgal gaaar ah oo maanta Ciidanka Qaranku ka fuliyey dhulka howdka ah ee deegaanka Shabeellow, Koofurta gobolka Mudug ayaa lagu beegsaday xarumo Khawaarijtu ku lahayd deegaankaas, waxaana cadowga lagu gaarsiiyey Khasaare xoogleh.

Howlgalka ayaa lagu burburiyey xarumo Khawaarijtu ku lahayd deegaankaas waxaana lagu dilay in ka badan 30 dhagar qabe oo horjoogeyaal iyo Maleyshiyaad iskugu jira,

Goobaha howlgalku beegsaday waxaa ka mid ah goob firxadka Khawaarijtu isku aruursanayeen waxaana halkaas lagu gaarsiiyey jab xoogg leh.

Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Qarixii Beledweyne iyo khasaaraha Ka Dhashay(Sawirro)
Next articleMasaajid lacag badan ku caawiyay qoys masiixiyiin ah oo ay ku dhacday musiibo aan la maleysan karin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here