Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Alshabaab oo Weerar Qaraxyo ah Ku Qaaday Magaalada Baydhabo

Alshabaab oo Weerar Qaraxyo ah Ku Qaaday Magaalada Baydhabo

0

Faah-faahinno kala duwan ayaa kasoo baxaya qaraxyo xalay ka dhacay gudaha magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, kuwaas oo ay ka dambeeyeen Al-Shabaab.

Qaraxyada oo labo ahaa ayaa waxaa lagu weeraray guryo ay magaaladaasi ka dagan yihiib mas’uuliyiin ka tirsan maamulka, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas.

Weerarka koowaad ee qaraxa ah ayaa waxaa lagu qaaday hoy uu dagan yahay sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka Koonfur Galbeed, kaas oo magaciisa lagu sheegay Kuuroow Amxaar, waxaana kadib xigay ka hortag ay sameeyeen ciidamada ammaanka.

Sidoo kale waxaa qaraxa labaad lagu weeraray guriga wasiirkii hore ee warfaafinta Koonfur Galbeer Ilyaas Cali Nuur oo haatan ah agaasimaha xarunta Tubsan ee maamulkaasi.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxyadan oo ay mas’uuliyaddooda ay sheegteen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Dhinaca kale ciidamada ammaanka Koonfur Galbeed ayaa saaka baaritaano dheeraad ah ka wada Baydhaba, si gacanta loogu soo dhigo kooxihii ka dambeeyay weeraradaasi.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka Koonfur Galbeed oo ku aadan qaraxyadaas iyo howlgallada xigay ee ay sameeyeen ciidamada ammaanka.

Baydhaba ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca dilal iyo weeraro ay soo abaabulaan xoogaga Al-Shabaab oo go’doomin ku haayo magaaladaas iyo deegaanada kale ee maamulka Koonfur Galbeed Soonaaliya.

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Xaaladda Gaza oo kasii dartay
Next articleWaa kuma ninka Putin u ahaa saaxiibka ugu dhow ee haatan xil-kaqaadista lagu sameeyay?