Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Alshabaab oo weerar Culus Markale ku Qaaday Baydhabo

Alshabaab oo weerar Culus Markale ku Qaaday Baydhabo

0

Wararka laga helayo gobolka Baay ayaa sheegaya in xalay mar kale  ay Al-Shabaab weerar ku qaadeen deegaanka Goofgaduud-buurey oo u dhow magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Weerarka kadib ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay ciidamada Koonfur Galbeed oo garab ka helaya kuwa Xoogga dalka iyo dagaalyahanada weerarka qaaday.

Ilo dadka deegaanka ayaaWarbaahinta u sheegay in dagaalka uu socday in ka badan hal saac, isla-markaana la’isku adeegsanayay hubka noocyadiisa.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas iyo weerarka ka horreeyay, waxaana lagu soo warramayaa in weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayo halkaasi.

Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada huwanta iyo mas’uuliyiinta Koonfur Galbeed oo ku aadan weerarka Al-Shabaab ee Goof-gaduud.

Maalmo kahor ayey aheyd markii Al-Shabaab oo muddo kooban haysatay laga fara maroojiyay deegaankan oo laga ilaaliyo magaalada Baydhaba ee gobolka Baay.

Mar kasta waxaa dhacda in deegaanka Goofgaduud-buurey ay isku bed-bedelaan ciidamada dowladda iyo kooxda Al-Shabaab, waxaana taas u sabab ah goobta istiraatiijiga ah ee deegaankaasi uu ku yaallo, sida ay qabaan quburrada ammaanka.

Ad
Previous articleJaved Iqbal oo nafta dhaafiyay 100 carruur ah oo uu maydadkooda u daadiyay si bini’aadantinimada ka baxsan
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Duqaymo Culus oo Lagu Qaaday Alshabaab ku Shirsanaa Degaan ka tirsan Galmudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here