Home Wararka Maanta Alshabaab oo Weerar culus ku Qaaday Xero ay daganyihiin Ciidamada ATMIS

Alshabaab oo Weerar culus ku Qaaday Xero ay daganyihiin Ciidamada ATMIS

0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyay ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah ATMIS iyo Al-Shabaab oo xalay ka dhacay duleedka degmada Ceelbarde ee gobolka Baay, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay Al-Shabaab weerar arbushaad ah ku qaadeen saldhig ay ciidamadaasi ku leeyihiin degmada, waxaana kadib dhacay iska hor imaad toos ah.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa Warbaahinta u sheegay in xubnaha Al-Shabaab ay marka hore mdaafiic ku garaaceen saldhigga, kadibna ay u jawaabeen ciidamada Itoobiya.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalka ay mar dambe ku biireen ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed, taas oo keentay in dagaalka uu sii qaraaraado.

Ma cada khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan iyio weerarka ka horreeyay, kaas oo xalay si weyn looga dareemay guud ahaan degmada Ceelbarde iyo degaanada ku dhow.

Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in Al-Shabaabkii weerarla soo qaaday ay dib u laabteen, kadib saacado ay dagaal ka wadeen halkaasi.

Sidoo kale ciidamada Itoobiya iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaa maanta iski fidiyay duleedka degmada, halkaas oo ay ka wadaan howlgal ay ku baadigoobayaan xubnaha soo weeraray.

Ceelbarde ayaa waxaa todobaadyadii u dambeeyay weeraro ku haysay kooxda Al-Shabaab oo weli ku xoogan deegaanada ku xeeraan degmadaasi.

Si kastaba, kooxda Al-Shabaab ayaa bilihii lasoo dhaafay sare u qaaday beegsiga ay ku heyso xeryaha ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ee ku yaalla gobollada dalka.

Ad
Previous articleAbaabul Dagaal oo ka bilowday Galmudug iyo Ciidanka Xoogga oo Weerar qaadaya
Next articleWAARE oo Soo Faragaliyay Xiiisada Ka Taagan Magaalada Baladweyne

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here