Home Wararka Maanta Alshabaab oo Weerar Culus ku Qaaday Xeradaan

Alshabaab oo Weerar Culus ku Qaaday Xeradaan

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal qaraar oo xalay ka dhacay degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay, halkaas oo ay isku farasaareen ciidamada Itoobiya ee ku sugan halkaasi iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Dagaalka oo ah mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu yimid kadib markii ay Al-Shabaab weerar ku qaadeen fariisin ay ku sugnaayeen ciidamada Itoobiya ee qaybta ah howlgalka ATMIS, waxaana kadib xigay dagaal u dhexeeyay labada dhinac.

Ilo dadka deegaanka ah oo aan la xiriirnay ayaa innoo sheegay in dagaalka uu muddo socday, isla markaana ay maqlayeen dhawaqa hubka ay is waydaarsanayeen labada dhinac, balse aysan caddeyn karin khasaaraha soo kala gaaray.

Saraakiil u hadashay ciidamada Itoobiya waxa ay sheegeen inay iska difaaceen weerarka uga yimid Al-Shabaab, ayna ka dileen 5 xubnood, kuwa kalena ay ka dhaawaceen.

Sidoo kale Al-Shabaab oo qoraal soo saartay ayaa dhankooda guullo ka sheegtay dagaalka, waxayna sheegeen inay khasaare culus ku gaarsiiyeen ciidamada Itoobiya, ayna u gaysteen dhimaasho iyo dhaawac.

Ma jiraan ilo madax bannaan oo xaqiijin kara sheegasha labada dhinac oo warar is khilaafsan kasoo saaray dagaalka, waxaana dhinac kasta uu sheegtay guul.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada Itoobiya oo haatan dhaq-dhaqaaqyo ka wada halkaasi.

Gobollada Baay Bakool ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan yihiin Al-Shabaab, waxaana sidoo kale kus ugan ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS, kuwaas oo iyaguna howlgallo ka sameeyay gobolladaasi.

Ad
Previous articleShiikh Shariif oo Si adag U Dhaliilay Dowlada Xasan Shiikh
Next articleAlshabaab oo Markale guuldaro Daran kala Kulmay Ciidankaan oo ay weerareen