Home Wararka Maanta Alshabaab oo Markale guuldaro Daran kala Kulmay Ciidankaan oo ay weerareen

Alshabaab oo Markale guuldaro Daran kala Kulmay Ciidankaan oo ay weerareen

0

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab iyo Daraawiishta Jubbaland ee howlgallada ka wada gobolka Jubbada Hoose ayaa mar kale dharbaaxo kulul ku dhuftay kooxda Al-Shabaab, kadib howlgal saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay aagga deegaanka Harboole ee gobolkaasi.

Ciidamada huwanta ayaa ka hortegay isku day kale oo ay doonayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab inay kusoo weeraraan deegaanka Harboole ee gobolka Jubbada Hoose.

“Khawaariijta oo isku dayay in ay weerar ku qaadaay Deegaanka Harboole ayaa sake markale Geesiyaasha Danab iyo kuwa Jubaland u dhigay cashar aysan kaso kabsan karin” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay taliska ciidamada Xoogga dalka.

Sidoo kale waxaa howlgalkan oo ka dhacay meel 12 KM u jirta deegaanka Harboole ayaa waxaa lagu dilay 7 xubnood oo ay ku jiraan horjoogayaal sar sare, sida ay sheegeen saraakiisha hoggaamineysay howlgalka.

Waxaa kale oo ay ciidamada soo furteen hubkii ay wateen xubnaha la dilay, kaas oo loo soo bandhigay warbaahinta, isla markaana lagu baahiyay baraha bulshada.

Dhinaca kale madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe oo dhiirogelina ciidamada ayaa haatan ku sugan degmada Afmadow, isaga oo ku gaaray safar dhulka ah.

Axmed Madoobe ayaa waxaa soo dhaweeyay qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool degmada, isaga oo mid mid u gacan qaaday dadweynahii soo dhaweeyay.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa u tagay Degmada Afmadow dardar galinta howlgalada ay wadaan Ciidamada Jubaland iyo Ciidamada Xooga dalka kuwaas oo guulo wax ku ool ah laga gaaray maalmahii lasoo dhaafay.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii Al-Shabaab lagu laayay dagaal culus oo ka dhacay deegaanka Buulo-xaaji, kadib markii ay weerar kusoo qaadeen magaaladaas oo horay ay uga qabsadeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleAlshabaab oo Weerar Culus ku Qaaday Xeradaan
Next articleNetanyahu oo sheegay in uu wafdi wadaxaajood u diri doono Rome si loosoo afjaro dagaalka ay kula jiraan Xamaas