Home Wararka Maanta Alshabaab oo Weerar Culus ku Qaaday Gudaha Dalka Kenya

Alshabaab oo Weerar Culus ku Qaaday Gudaha Dalka Kenya

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar ay xubno ka tirsan Al-Shabaab shalay ka fuliyeen dalka Kenya, kaas oo uu xigay afduub ay kooxda ka geysatay gudaha dalkaasi

Weerarkan oo ahaa mid culus ayaa ka dhacay deegaan hoostaga is-maamulka Laamu ee dalka Kenya, kadib markii ay xubno hubeysan tageen halkaasi.

Ragga hubeysan ayaa waddada u galay gaadiid ay la socdeen dadka shacabka ah, waxayna ku fureen rasaasi, sida laga soo xigtay Booliska dalka Kenya.

Ugu yaraan laba qof ayay kooxdaasi ku dileen goobta, yaga oo kadib horay afduub ahaan ugu sii kaxeystay saddex kale oo kamid ah shacabka la socday gaadiidka la weeraray.

Sidoo kale waxaa goobta la geeyay ciidamo dheeraad ah oo haatan howlgallo daba tag ah ka wada aagga ay wax ka dhaceen oo ka tirsan gobolka xeebta ee Lamu.

Xaaladda ayaa haatan mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa halkaasi, sida ay warbaahinta u sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka.

Weerarkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo dhowaan Kenya ay ciidamo badan soo dhoobtay xadka ay la wadaagto Soomaaliya, si ay sugaan amniga guud ee deegaanadaasi.

Al-Shabaab ayaa maamusha in ka badan 60% is-maamulka Mandheera ee gobolka waqooyi Bari ee dalka Kenya, sida uu horay shaaciyay barasaabka gobolka, taasna waxay keentay inay sii kordhaan weerarada iyo qaraxyada ay ka fuliso gudaha waddankaasi.

Barasaabka Mandheera Maxamed Aadan Khaliif ayaa dowladda ka codsaday inay qorto oo ay hubeyso dadka deegaanka, si ay gacan uga gaystaan dagaalka ka dhanka ah Shabaab.

Ad
Previous articleDonald Trump oo mar kale lagu soo eedeeyey dacwad la xiriirta Gabood Falo uu Gaystay
Next articleWaa Maxay Sababta Cabdirisaaq Dhoore Maalintii Afaraad Afduub loogu Haysta Duleedka Baladweyne

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here