Ciidanka milatariga Soomaaliya gaar ahaan kuwa kumaandooska ee Danab iyo Gorgor oo gacan ka helayay ciidamada deegaanka ayaa saakay si buuda ula wareegay gacan ku heynta deegaanka Masaajid Cali Gaduud oo Al Shabaab gacanta ku hayeen.
Deegaankan ciidamada dowladda la wareegeen ayaa muddo ka badan isbuuc waxaa ka socday dagaalo dhiig badan ku daateen iyo duqeymo, waxaana ciidamada huwanta ah ku adkaatay in ay galaan deegaanka oo Al Shabaab difaac adag ka galeen.
Ciidamo katirsan kumaandooska Soomaaliya gaar ahaan kuwa Danab iyo Gorgor ayaa loo daadgureeyay deegaankan, ciidamada ayaana ugu dambeyn gudaha u galay lana wareegay deegaankan oo qabashadiisa dhiig badan ku daatay.
Saraakiisha dowladda ayaa sheegay in Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab iyo Gorgor Al Shabaab ugu daateebn godadkii ay dhufeesyada ka sameesteen ee deegaanka Masaajid Cali Guduud, sidaasna kula wareegay deegaanka oo dagaal culus ka dhacay.
Deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee katirsan gobolka Shabeelaha Dhaxe ayaa Al Shabaab muhiim u ahaa, waxaana saakay gudaha deegaanka ka socda howlgalo ay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ka wadaan kuna baarayaan miinooyin.